Muuse Aqoon Baaney Aheyn Waar Muuse Waxba Uma Oga Madaxweynaha Mareykan ..” Siyaasi Cali Guray

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Siyaasi Cali guray oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ka hadley hadalo ay bulshadu isla dhex mareyso oo sheegay in Muuse aqbalay in uu la shaqeeyo madaxweyene Farmaajo

Siyaasi Cali Guray oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Facebook waxaa uu sheegay in dadka hadaladaas leh ay yahiin kuwo aan Muuse Biixi aqoon u laheyn waxaana uu yidhi

“ Muuse aqoon baanay ahayn. Farmaajo ha kula shaqeeyo adiga hadii la odhan lahaa mooyi wuxu odhan lahaa. Farmaajo la shaqee buu haye yidhi aniga ha ii sheegina waayo Muuse ayaan aqaan xataa nin lagula dhici karo maaha hadii lagu yidhaana belaayo ayaa dhici lahayd. Xataa isla shaqeeya oo wada shaqeeya ayaanu qaateen diblamaasina maaha ee waa askari u haysta inu yahay askarigii ugu sareeyay askarta. Markaa yaa amri kara ee ka sareeya?

Madaxwaynaha Maraykanka ayaanu waxba u ogayn markuu ku leexaysanayo kursigiisa Madaxwaynaha saa waaba Raiisul Wasaaraha Itoobiya oo Somaliland indhaha ka lalinayay ilaa ay runtu hortiisa timi” ayuu yidhi