POLICE FILES : BAD MAREENKII KUFSADAY GABADHII U DOONANAYD

Xasan waxa uu ahaa nin Bad mareen ah , oo muddo dheer badda ka shaqeynaayey . cimrigiisu iminka waxa uu ku dhaw-dhaw yahay Afartaneeyo . Asxaabtiisii oo dhami wey wada guursadeen . marka uu fasaxa ku yimaaddo ee uu dib Markabka ugu laabto , ayuu kelida dareemaa iyo cidlada uu weli keligii yahay , marka uu soo faraqo ee ku soo ciyaaro ee uu ku soo tunto wixii uu soo shaqeystey oo dhan . Laakiin fasaxii ugu danbeeyey waxa ay isa soo barteen Gabadh Zahra la yidhaahdo oo ay ku balameen in uu guursado , oo uu Reerkoodii ka doonay , markaa noloshiisii iminka isbedel ayaa ku dhacay , isaga oo farxadi la soo deristay , markaa xili kasta oo uu fasax helo hadyado badan ayuu u keenaa gabadhii Zahra ee u doonanayd.
Fasaxii ugu danbeeyey ee uu Zahra kula aqal geli lahaa , ayey Zahri kaga hortagtay Markabkii ( Dekedda), kabacdi way isa soo raaceen oo wuxuu ku yidhi : kaalay oo soo eeg gurigeena aan inoo diyaariyey . iyaduna way ogolaatay , maadaama oo ay aroos geli doonaan todobaadka danbe .

Xasan markii uu gurigii galay , isaga oo ay Zahri la socoto , waxa uu hoosta ka xidhay Albaabkii guriga , kabacdina waxa uu soo weeraray Zahra , inta uu maryihii la baxay , ayuu mindi la soo baxay oo uu ku qabtay Zahra , isaga oo doonaaya in uu fara xumeeyo , Zahri way ku muusanawday oo waxay u sheegtay in arooskoodii todobaadka danbe uu dhici doono , markaa in uu iska sugo inta ay xalaasha u noqonayso . Baryadeedii iyo muusanawgeedii midna muu dhegeysan , oo wuxuu isu bedelay ( sidii bahal raq arkay oo ay gacantiisa ku jirto) oo doonaaya in uu cuno .
Zahra wuu fara xumeeyey Xasan . kadibna sidii ay ku baratay ayuu ku noqday , oo inta uu calaacalay oo uu ka xumaaday waxa uu sameeyey , ayuu ka cadsaday Zahra in ay saamaxdo . kadibna way iska ogolaatay , si ay Albaabka uga baxdo , oo ay shaqadeedii uga gaadho . isaguna wuu fasaxay .

Zahri waxay u tagtay gabadh Askariyad ahayd oo ay saaxiib yihiin , arintii bay u sheegtay oo ay talo weydiisay. Gabadhii Askariyadda ahayd waxay kula talisay in ay soo ashtakeyso , oo ay Saldhiga Poliiska tagto . waayo? Ninkanu ( Xasan) wuu xanuunsanayaa oo maaha qof caadiya . sababtoo ahna, Badda ayuu aad ugu raagey .( dadka badda aad ugu raagaana , waxa intooda badan ku dhaca xanuuno Nafsiya oo ay ka qaadaan kelida iyo markabka dushiisa ) . markaa sidaa awgeed waxay kula talisay inaanay Ninkan Xasan guursanin oo ay soo ashtakayso .
Zahri taladii ayey qaadatay oo Xasan saldhigii Pooliska ayey ka soo ashtakeysey . kadibna Xasan waa la soo qabtay . ( markii Zahra la baadhay ee la soo cadeeyey( Dhakhtarku)in loo galmooday oo la fara saaray ).
Xasan waxaa lagu xukumay 3 sanadood iyo weliba in loo diro Dhakhtar Nafsiya , si xaaladdiisa caafimaad loo baadho ,loona daweeyo .
Xasan mudadii buu soo dhamaystey , kadibna waxa uu doonay in uu Zahra ka aargoosto , waxa uu isku deyey in uu afduubo ( arinkaasuna wuu u suurto geli waayey ) . markii danbena waxa uu noqday tuug guryaha xada . kadibna waa la qabtay . waxa uu Xasan ku danbeeyey Jeel iyo nolol xun oo waali ah .

CALI MAXAMED BIIXI
caliwwelli@hotmail.co.uk