Sacuudiga oo haweeneydii ugu horeysay u magacaabay xil danjirenimo

Sacuudiga oo haweeneydii ugu horeysay u magacaabay xil danjirenimo

Sacuudiga ayaa Amiiradda Riima Bintu Bandar u magacabay danjirahiisa cusub ee dalka Maraykanka, waxayna noqoneysaa haweenaydii ugu horeysay ee boqortooyadu xil danjirenimo u magacawdo.

Amiirad Riima waxay qayb ka mid ah caruurnimadeedii ku qaadatay Washington oo ay ku kortay, iyadoo xilkan qabanaysa xilli adaga oo Sucuudigu isku dayeyeyo inuu dejiyo caradii heerka caalami ahayd ee ka dhalatay geeridii weriye Jamaal Khashoqji.

Amiirad Riima waxay xilka kala wareegi doontaa dhaxal sugaha taajka boqortooyada walaalkii oo ka yar, Amiir Khaalid Bin Salmaan, oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga, iyadoo aabaheed uu idoo kale mar soo noqday danjireha Sucuudga u fadhiya Maraykanka 1983 ilaa 2005.

Amiiradda waxay dad badani u arkaan in ay tahay qof xuquuqda haweenka uga doodda dal badanaa lagu dhaliilo heerka sinnaan la’aanta labka iyo dheddiga.