Somaaliya Waxa Ay Maanta War Saxaafadeed Waafi Ka Soo Saari Doontaa Arinta Kenya Kala Dhaxeysa..” Madaxtooyada Somali..Feb17.19

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Somaliya ayaa qoraal uu goor dhaweyd soo dhigay bartiisa Facebook , waxaa uu cadeeyey in ilaa hada aaney jirin wax jawaab ah oo dawlada Somaliya ka soo saartey talaabada ay dawlada Kenya Qaadey

Sidoo kale Agaasime Abdinur ayaa waxaa uu cadeeyey in dawlada Somaliya ay maanta Jawaab Waafi ah ka soo saari doonto talaabada ay dawlada Kenya Qaadey waxaana uu yidh

“ Ma jirto warqad kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo looga jawaabayo xaaladda Soomaliya iyo Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay maanta kasoo saari doontaa war saxaafadeed waafi oo ku aaddan xaaladda haatan taagan.

Fadlan halaga fogaado faafinta wararka been abuurka ah.

Mahadsanidiin “