WAR DEG DEG AH: Madaxtooyadda Soomaaliya “Waanu Bogaadinaynaa Wadashaqaynta Maamulka Somaliland”

Muqdisho (SM) Dawladda Soomaaliya ayaa Hada War kasoo saartay Kulankii dhexmaray Madaxwaynaha Somaliland iyo Raysal wasaaraha Itoobiya oo looga hadlay Wadashaqayn dhexmarta DF-Somalia iyo Somaliland.

Waxaana Sidii aanu Horay u baahinay  Qorshuhu ahaa inuu la Kulmo Madaxwayne Farmaajo, Balse Caqabadho yimid aanay Suura gelin, Hoos ka Akhirso War-saxaafadeedka Madaxtooyadda Soomaaliya.

DFS WAY BOGAADINEYSAA WADA SHAQEYN DHAW OO AY LA YEELATO  SOOMAALILAND

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar.

 DHAMMAAD