Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Wararka Sheegaya In Madaxweyne Biixi Addis Ababa Kula Kulmaayo Farmaajo Madaxtooyada Somaliland Maxay Ka Tidhi ?

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa ay war ay ka soo saartey safarka madaxweyne Biixi ugu baxay dalka Itoobiya ay ku sheegtay in Safarkaasi qorshihiisa aaney ku jirin In madaxweyne Biixi Addis Ababa Kula Kulmo madax iyo masuulyiin ka socota dalal kale

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayey ujeedada safarkoodu ku kooban tahay kulanka ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo xubnaha kale ee xukuumaddiisa ka tirsan ay la yeelan-doonaan, mana jirto masuuliyiin dalal kale oo madaxweynaha u qorshaysan inuu kula kulmo Dalka Itoobiya” Ayaa lagu yidhi war ka soo baxay madaxtooyada Somaliland .

Arintan ayaa waxaa ay meesha ka saareysaa warar sacadihii ugu danbe bulshadu ku falanqeynaysay baraha bulshada oo sheegayey in Addis Ababa ay ku kulmi doonan madaxweyne Biixi iyo dhigiisa dalka Itoobiya

Please follow and like us: