Wasiirka Shaqo-gelinta oo Kulan la qaadatay Muwaadniin Wasaaraddeedu shaqo-abuur u samaysay

Hargeysa (SalaanMedia)- Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Muwaadiniin isugu jirta Rag iyo Haween oo ay wasaaraddeedu shaqo-abuur u samaysay.

 

Ujeeddada Kulanka Wasiirku ku qaabishay muwaadniintan, ayaa ah sidii ay xog-waraysi uga yeelan lahaayeen midhaha shaqo-abuurka loo sameeyey iyo waxa iska beddelay nolol-maalmeedkooda.