XOG: Kulankii Farmaajo Iyo Muuse Biixi Oo Baaqday+ Farmaajo Muqdisho Ku Waajahan Iyo Sababaha Uu Kulankaasi U Baaqday

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo xalay soo gaadhay Jabuuti, wadahadalna maanta la qaatay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hadda kasoo duulay Jabuuti, isaga oo ku wajahan magaalada Muqdisho.

Wararku waxay sheegayaan in Farmaajo ka baaqday safarkii Itoobiya iyo kulankii ay qabanqaabisay Itoobiya ee dhex-mari lahaa isaga iyo madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in kasta oo kulanka la isku raacay markii hore haddana la isku qabtay qodobo muhiim ah oo ku saabsan wada-hadalka.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa Maanta u safray magaalada Addis Ababa, kaddib markii uu martiqaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.
War-saxaafadeed goor dhoweyd ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu xaqiijiyey in Muuse Biixi Cabdi aanu Addis-Ababa kula kulmi doonin cid aan ahayn Abiy Ahmed.
Ilaa iyo hadda si cad looma oga qodobada la isku qabtay, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in Farmaajo diiday in wada-hadalka saddex geesood noqdo, oo Itoobiya qeyb ka noqoto sida Muuse Biixi uu rabo, balse Farmaajo uu doonayo in Itoobiya ay lahaato kaliya door qaban-qaabinta Kulanka.
Muuse Biixi ayaa horey shuruud uga dhigay aanj aamini karin dawladda Soomaaliya, sidaas darteed wada-hadal kasta oo uu la galaayo ay khasab tahay in dhinac saddexaad goobjoogo ka noqdo.