Zaila Corridor 60 km oo kaliya ayey u jirtaa Xadka halka Berbera u jirto 240 km xadka Ethiopia iyo Somaliland ganacsiguna waxa uu ku faa’idaa meherada ugu dhow ee baahida dabooli karta !! Dr.Khadar-Libaaxley.

Zaila Corridor 60 km oo kaliya ayey u jirtaa Xadka halka Berbera u jirto 240 km xadka Ethiopia iyo Somaliland ganacsiguna waxa uu ku faa’idaa meherada ugu dhow ee baahida dabooli karta !! Dr.Khadar-Libaaxley.

Waxa    saylac loo  yaqaaney quruuntii   aynu soo dhaafney ( main   trade ancient routes of Abyssinia )  ama ( the Natural out let Trade of   Harar ) oo tilmaameysa xidhiidhka sooyaal   ganacsi ee ka dhexeeyey Saylac iyo Ethiopia   qaybaheeda kala duwan, hayeeshee xaalkaa iska ah   ayaan ba ayaan, waayaha nasiib ee taayirka wareega   ah kaasi oo xambaarsan waayaha sareynta iyo hooseynta    ayaa saylac xadhig laba dible ah gacmaha uga xidhay ; waayo     xilliyada sannadka ee dabeeciga ah ayaaba leh ( Gu’ barwaaqo iyo   Jiilaal abaareed ) waxase aan rajeynayaa in ay muuqato in uu dhoolka    soo shitay si buuxda in uu yimi sabankii ay saylac laba kacleyn laheyd   insha’allah nin jecel iyo nin neceb ba , waxa sabab u ah in uu yimi sabankeedii    baahida dekedaha geeska afrika loo qabo ee ay xaraaradiisu cirka isku sii shareerayso    maalinba maalinta ka dambeysa; ma’aha cidkale waa dalkeena labaad ee itoobiya iyo wadamada  kale ee dunida maal-gashada.

Ganacsiga   iyo cid kasta   shaqadaas ku foogan     waa macaash raadis goor   iyo ayaan la joogaba, Ganacsiguna  sidiisaba waxa uu faa’ido iyo macaash  ku leeyahay meherada ugu dhaw ee aad   ka heli karto wax kasta oo baahidaada daboolaya.

Hadaba     Somaliland   xeebtee ayaa   ugu dhaw Ethiopia   oo u baahan xeebo ay   maal-gashato?

 

NM Gobolada  Awdal iyo   Saaxil waa xeebaha   ugu dhaw Ethiopia dhanka  Somaliland iyo somalia                      Xuduuda    labada dal   ee Somaliland iyo   Ethiopia badka ay u   jiraan biyaha bada.
1. Berbera    illaa wajaale 240 km
2. Borama    illaa Lughaya ( Borama  xadka ayey ku taalaa ) 120 km
3. Xariirad     illaa Zaila   corridor 85 km
4. Geestiir     illaa Zaila   corridor 60 km

 

Gabo-gabo   iyo Gunaanad:

 

Dalka   iyo Dadka   waxa masuul    ka ah Dawlada     oo ah miisaanka iyo   udub dhexaadka xaqa u   leh raadinta maal-gashiyo  shaqo abuur ay ka helaan muwaadiniinta   dalku , isla markaana dawladu ka hesho    cashuurta ku waajibta dadkeeda iyo deegaanka  maal-gashigu ka hirgalo, sida saxda ah ee caafimaad   qabka ah ama ( Good governances ) waa in ay dawladnimadu    ka madhantahay cid jecleysi iyo goob jecleysi meel ay tahayba  dalka oo dhan ; marka ay noqoto ganacsi iyo dekado la maal-galiyo     waxa muhiimad iyo mudnaan leh ( Goobta adeega la rabo ugu dhaw ee   dabooli karta baahida jirta ) waa sida kaliya ee uu ganacsigu faa’ido ku   dhali karo dhan walba isla-markaana maan-gal iyo kal-sooni dhis shifo leh   u ah dhamaan dadweynaha dalka wadayaala isla markaana indhaha beesha caalamka qiimeyntooda  ( Good governances ) u noqon kara mid ka madhan eex deegaan iyo ku takri-fal awoodeed.

 

Dr.khadar -Libaaxley

  dr.khadar05@gmail.com

  gargorey4@gmail.com

  Regional political analysts