Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

DAAWO:-” Farmaajo Gor Gortan Kama Gali Karo Muranka Badda..” Prof Abdi Samater

DAAWO:-” Farmaajo Gor Gortan Kama Gali Karo Muranka Badda..” Prof Abdi Samater

London (SM) – Professor Cabdi Ismaaciil Samatar oo cilmiga Juqraafiga ka dhiga Jaamacadda Minnesota ee dalka ee Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay inaanay u muuqan in Soomaaliya ay wax gorgortan ah ka geli doonto arinta badda.

“Anigu waxaan isleeyahay arinta ceynkaas ah suuragal u noqon mayso madaxweynaha Soomaaliya, waayo dadka Soomaaliyeed oo dhan waxay ogyihiin xaqoodu meesha uu yaallo, gorgortanna kama geli karaan arinta ceynkaas ah,” ayuu yidhi professorka.

Kenya ayaa la rumaysan yahay inay doonayso in arinta muranka xuduud badeedka lagu xalliyo qaab hoose, halka Soomaaliyana ay ku adkeysanayso in laga warsugo go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee loo gudbiyay kiiskan.

Professor Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in haddii ay dhacdo in Soomaaliya ay gorgortan ka gasho kiiska yaalla maxkamadda, ay taasi noqon doonto “shil weyn oo siyaasadeed oo soo gaari doona wadanka Soomaaliya.”

Please follow and like us: