Doqoni Xadhiga Lagu Xidhaayo Bay Xagal-Heedda Ku Doonataa ( Abdi-shotaly).

Doqoni Xadhiga Lagu Xidhaayo Bay Xagal-Heedda Ku Doonataa ( Abdi-shotaly).

Heestii uu Cali Sugule lahaa (IHUN), ee la qaaday maalintii ugu horeysay, ee uu xalaytoo kale uu af-la-haarkii Ina Bare, dalka xukun-kiisa boobay, baa waxa ererya-deedda ka mid ahaa ” Talaabsan waydoo dhacday, Turuntu-rootoo Kuftay ayaad taqaan”, ujeedo waxa weeye, maamulkan askartu waa ku daayey, oo isaga baa baa isu dhameeyey, isku turtay, ee bal halkuu ku dambeeyo aan eegno, imika wuxu ku jiraa ayaamihii rahu baliyadad ka xareedin jireye.

Intee buu beelo gaar ah xidhi-xidhi doonaa?, Oo uu is odhan maamulka ka dhamee? ilayn waa shakhsi daciif ah oo cuqdad ku kor ahe. Kuwa sidda hal rimay ah, oo awr sheemay dabadda u ruxaw, waxan aan soo wado waa been i dhaha, ilayn waa idiin caado’e., horaa loo yidhi ” Doqoni Xadhiga lagu xidhaayo, bay xagla_heedda ku doona-taaye, bal kani isaga baa isi soo dabraaayee, ee ku soo dhawaadda arimahan hoos ku yaala oo daliil-kiiya:-

(1) Shalay oo ay taariikh-du ahayd 20/03/2019, Hogaankii ciidanka ( Head Of Forces Personal Office-ka) weliba maalin salaasa ah ahayd, waxa lagu riday jeelka Beesha Mataanaha iyo Samroon loo samaystay, MUj/Gaashaanle sare Cali Rooble Bulaale ( Oo ah nin Garxajis ah, H.yoonis, oo Muse Cabdalle ah,  Abokor Looge), oo ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM, waa ninkii haystay qaybtii 6aad ee jabhadda. waxa kale-na laguma haysto, ee waa reer hebel ee ka dheeree maamulka, oo ka tirtir, kuwa meesha jooga ee ku xeeranina, waa adhiyu-laahi baraar, xero uga jira kan waalan ee askariga ah, oo wax ma odhan karaan, waa isma qabato, buka oo colaad cuqdad ah ku barbaaray, sabata oo ah, Halgankii baanay wax-ba ka qaban, ee meesha iska joogeen, dagaal ay meel qudha ka galeen ma jiro, bal ii soo sheega kuwa caabudaw, marxalad loo tiriyo labadda askari oo farta iigu fiiqa waa ” Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximan ( Ina Kahin), iska daa dagaal ay galaane ma la tirsan jirey marka hore, intay cuqdadda ka qabaana waa taas. oo raagii-raga ahaa inta ka sii joogta ma arki karaan.

(2) Maalmo ka hor, intii aan la qaban wixii ay ku sheegayeen doorsho ku sheegta ( Been-beenta ahayd), waxay iyana meesha ka saareen Hogaankii Dagaal gelinta ciidanka Oo ahaa Garxajis), ilayn badheedh bay ahayde, si aanu u joojin ciidanka, ilayn in uu iusagu amro bay hayde, sidaas awgeed baa looga qaaday xilkii.

(3) Hogaankii Booliiska ee isagana isla ayaamahaas baa xilkii laga wareejiyey, oo ahaa isna Garxajis. intaas oo marxaladood oo uu shalay u dambeeyey Muj/Gaashaanle Sare Cali Rooble Bulaale, bal cidda igu beensa-naysaa ha soo baxdo, af-keedda bay kala haysan waydaye ( Waar wuxu waa ey aan mid-mid  dhaama lahayn).

Ogdaadeenka baa waxay yidhaahaan ” Iidoorku qof uu kala quustay, in uu adhiga u raaco, bay geela u dirtaan” oo ay u jeedadu tahay wuxu ka ilaalin kari waayey wadeecadda, iyadda oo badh dacawo ka cuntay, badh kale-na halaabay, ina yey iyo weera ka laayeen, buu fiidkii mar dambe isaga oo fara madhan, daba luudaaya afar neef, buu xeradda soo tubaa, markaas baa habaar iyo baroor la qabsadda, ilayn maaha goor wax la doon-dooni karo, oo habeen baas baa u dumaye, haduu maalin weyntii soo sheegi lahaa, wax uun baa la samayn lahaa, ka cayn-kaas ah ee khasaare mooyee aan cidi usgageed oo wax-tar ah lahayn, bay geela oo ka sii hawl badan u dirtaan, oo yidhaahaan malaha kan buu wax ka keenayaa, oo aanay dacawo ka cunayn, iyaka oo u qarinaaya daacadal-basar iyo xoola-huno waxa la yidhaaho. ( Xoola huno waxa ruuxa aan ka adkayn Xoolaha la raaciyo). Hadaba qisadan yar ee sare ku taal waxan uga socdo, aan idiin fasilee, Somaliland Xoolo huno baa lagu sii daayey, ilayn waa duul aan wax loo diran jirine, dabeed waa taas faraha kala raacday, ee iniba gees u dareertay, sidda adhigaa habar-duugaagu wadhay banaanka. kanina wuxu yahay kii loogu maah-maahay, doqoni waa dambas fadhi.

* N.B Isku Turataye Ta Dambaad Garan”
Qore:- Abdi-Shotaly.