Dowlada Somalia oo dalka ku soo celisay tahriibayaal ku xanibnaa Liibiya (Daawo Sawirro)

Dawlada Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro tahriibeyaal ah oo muddo ku xanibnaa dalka Liibiya.

Dhalinyaradan oo gaaraya 20 qof ayaa ka kooban 19 rag ah iyo qof dumar ah, waxayna muddo ku xanibnaayeen dalka Liibiya, halkaasoo ay ku heysteen kooxaha dadka qafaasha ee Magafeyaasha loo yaqaano.

Masuuliyiinta Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee xuquuqda carruurta iyo tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, kuwa hay’adda Qaxootiga  Qaranka iyo guddiga dib u soo celinta tahriibayaasha ee dawladda Soomaaliya ayaa si weyn garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ugu soo dhaweeyey dhalinyaradaan, iyadoo la geeyey xarunta hay’adda Qaxootiga Qaranka, si halkaasi howlahooda loogu dhameeyo.

Ergeyga gaarka ah ee xuquuqda carruurta iyo tahriibayaasha ee xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Ambassador Maryan Yaasiin ayaa muddooyinkan  dadaal weyn ugu jirtay siddii ay dib dalkooda ugu soo noqon lahaayeen tahriibayaasha Soomaaliyeed ee jooga dibadaha.