FBI-da Maraykanka Oo Badhitaan Ku Wada Laba Sarkaal Oo Ilhan Omar Ku Eedeeyay Inay Argagixiso Tahay.

Washington(Salaanmedia.com) Hay’adda dmabi Baadhista Mareykanka ee FBI-da ayaa su’aalo weydiinaysa labo ka mid ah saraakiisa Wasaaradda amniga gudaha Mareykanka.

Labada qof ayaa lagu soo helay in ay farriimo ku daabaceen baraha bulshada, iyaga oo Ilhaan Cumar, oo ka tirsan aqalka Wakiilada Mareykanka, ku eedeynaya in ay soo qaadatay casharro argagixisanimo, sidoo kalena soo fariisatay dugsiyada argagixisada.
Mid ka mid ah saraakiisha su’aalaha la weydiinayo waxaa lagu magacaabaa Leslie Derewonko, waxaana uu bartiisa baraha bulshada ku qoray “Kaliya may qaadan casharro argagixiso ee waxaa ay la fadhiisatay argagixisada waxna way la baratay waliba”.
Qofka labaad ayaa farriinta uu soo dhiibay sarkaalkii hore ee faafiyay, waxaana labaduba beddeleen akoonnadii barta LinkedIn ee ay farriimaha ka soo geliyeen, si aysan u daba gelin hay’adaha dambi baarista.
Hay’adda ICE ayaa sidoo kale sheegtay in ay baadhayso haddii farriimaha noocan ah ee dadka hay’adda u shaqeeya ay jebinayaan siyaasadda haya’ddooda.
Todobaadyadii la soo dhaafay Ilhaan ayaa bartimaameed u ahayd Yuhuudda Mareykanka, xubnaha Xisbiga Jamhuuriga iyo qaar ka mid ah taageerayaasha Xisbiga ay ka tirsan tahay ee Dimuqraadiga oo ku weeraray hadal ay ka sheegtay Brack Obama.