Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Oo Soo Jeedisay In Wada-hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya Loo Weeciyo dhanka Madax-dhaqameedka

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Fooziya Yuusuf Xaaji Aadan oo hadda ka mid ah Baarlamaanka Dawladda Federaalka ah ee Dalka Soomaaliya, marna noqotay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Dalkaasi, ayaa ka hadashay Wada-hadallo la filayo inay mar kale wada yeesheen Dawladda Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaasi oo la sheegay inay suurto-gal tahay in lagu qabto Dalka Gaana.

Fooziya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa sheegtay in maaddaama oo dhowr jeer oo hore ay wada-hadleen Somaliland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya in doorkan Wada-hadallada loo beddelo in Madax-dhaqameedyo laga soo xulo Somaliland iyo Soomaaliya, laguna wada-hadashiiyo meel ka mid ah Dalka gudihiisa, ka dibna Go’aanka ay soo saareen loo gudbiyo siyaasiyiinta labada dhinac.
Fooziya ayaa sidaa ku sheegtay Qoraal ay Shalay ku baahisay Barta ku leedahay Shabakadda Twitter-ka, kaasi oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay.
Fooziya ayaa qoraalkeeda ku tidhi “Waxaan la soconaa in mar kale la wado, wada-hadal Soomaaliya iyo Somaliland lagu wada-hadalsiinayo dal kale. Waxaa ka habboon in Odayaal-dhaqameed culus labada garab laga keeno oo gogol loo dhigo meel dalka ah oo nabad ah, muddo dheer la siiyo, kaddib siyaasiyiinta loo gudbiyo go’aanka..”
Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ah siyaasad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsan Mabda’a Soomaali-weyn.