Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo booqasho saaka oo taariikhdu tahay 25ka March 2019 ku tegey caasimadda labaad ee dalka Finland ee TURKU,

WADDANI PRESS

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo booqasho saaka oo taariikhdu tahay 25ka March 2019 ku tegey caasimadda labaad ee dalka Finland ee TURKU, waxaa uu kulamo la yeeshay madaxda magaalada Turku oo ay wadashaqayn fiican leeyiin, Madaxdaasi oo ka koobnayd sadexda xisbi ee golaha deegaanka ´magaalada Turku ee xisbiyada National Coalition Party , Social Democratic party and Greens party.

1. Gudoomiyaha Golaha deegaanka ee Magaalada ee Turku , Finland una sharaxan Golaha Baarlamaanka ee Finland doorahsda bisha April ee sanadkan Elina Rantanen
2. Duqa Magaalada Turku Finland, Minna Arve

3. Gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka ee Turku , Finland Seppo Lehtinen
Kulamadaas waxa goobjoog ka ahaa xildhibaan Roda xubin golaha deegaanka Turku iyo xubin guddida fulinta maamulka magaalad Turku.

Waxaana gudoomiyahu uga mahad naqay madaxdan oo qaarkood hore Somaliland u yimaadeen isla markaana xaalada somaliland aad ula socda, sida joogtada ah ee ay ula garab joogaan taageerda dalka finland u fidiyo somaliland. Iyadoo Finalnd ay kaalmo badan u fidiso somaliland oo ay ka mid yihiin mashaariicda caafimaadka ee FINNSOM iyo kuwa Tb da ee somaliland laga fuliyo.
Kulankan mahadnaqa iyo is waraysiga isugu jiray waxuu ku soo gebogeboobay in Magaalada Turku ay sii wadi doonto taageerada ay Somaliland u fidiso.