Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

HARGEYSA: Laba Nin Oo U Xidhnaa Shirkadda Somcaple Oo Lagu Xukumay 8 Sanno Oo Xadhig Ah Iyo Ganaax Lacageed Oo 625,000 Oo Dollar

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Maxkamadda racfaanka gobolka Marood-jeex ayaa Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur waxa ay ku xukumay 8 sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo 625,000 dollar (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo doollar)

Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur ayaa lagu eedeyey inay jarjareen Xadhko ay lahayd Shirkada SOMCABLE gaar ahaan deegaanka Oodweyne.
Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur waxa hore sii deysay maxkamadda gobolka Maroodi-jeex 29kii Oktoobar 2018ka, waxaanay muddo 5 bilood ah u xidhnaayeen ambiil ay qaateen Xeer-ilaalintu, markii wax dembi ah lagu waayay.
Dhagaysiga rafcaanka dacwaddooda ayaa waxa la bilaabaykaas Arbaca 13kii Feberweri 2019ka, taas oo saaka laga gaadhay g’aan.

Please follow and like us: