Madaxda Somaliland: Xadka Xoog baa lagu soo Xidhayaa!

Madaxda Somaliland: Xadka Xoog baa lagu soo Xidhayaa!

Madaxada Somaliland in badan ayey ku celceliyaan xadka xoog baa lagu soo xidhayaa. Wuxu hadalku u dhacayaa waa xadka Puntland iyo Somaliland oo ah kii ay lahaayeen maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland iyo mustacmaraddii Talyaaniga ee Somalia; ka hor 1dii Luuliyo 1960kii.
Summad aan ku dhigtee, dulucda maqaalkani kuma saabsana sax ama khalad ka uu yahay xadkii isticmaarku; sidoo kalena sax iyo khalad ka uu yahay xad dawli ah oo abtirsiin-raac ahi. Maqaal hore ayaan ka qoray mowduucaas. Fadlan arag tixraaca hoose.
Waa arrin murugo leh, muddo imika ku sii siqaysa 30 sannadood, in dad badan ku dhinteen, ku naafoobeen ama ku barokaceen isku-dhacyada dhinacyada kala duwan ee ku hardmayey deegaanada bariga Sanaag, bariga Sool iyo Buuhoodle. Isku-dhacyadaas oo dhexmarayey: Puntalnd, Somaliland, Khaatumo iyo Jabhaddii SSC.

Waxa kale oo murugo leh dagaalka reeraha dhexdooda ah ee ay ugu dambaysay shaqaaqadii bishiii September 2018kii ka dhacday Dhumay, koofurta Laascoonood, oo ay dad badani ku dhinteen, qaar ku laxaad beeleen, kuwana ku baro-kaceen.
Waxa iyana aad fajac ka qaadi in bishii Janaayo horaamaheedii 2018kii, in aynu subax ku soo toosnay dagaal milatari oo ay ciidamada Somaliland ku qaadeen goobta caanka noqotay ee Tukaraq iyo isku dhacyadii faraha badnaa ee fool-ka-foolka ahaa ee isla baradaas ka dhacay.

Taas oo ilaa hadda taagan, la iskuna hor fadhiyo, xataa dhexdhexaadin ay ka galeen Qaramada Midoobay (UN) iyo ururka Midowga Afrika (AU). Bal qabsoo muddo yar baa u dhaxaysay markii Somaliland weerarkaa qaaday iyo caleemo saarkii madaxweynaha cusub, Md Biixi.

Madaxweyne Biixi wuxu ku dooday, isagoo dalo u samaynaya duulimaadkiisa, in aanu weli gaadhin xadkiisii. Xadka uu gaadhayo ama soo xidhayaa waa kee? Xadku ma mid aan la gaadhin baa? Sidee loo soo xidhi karaa xad dherekiisu dhan yahay ilaa 650Km, ugu yaraan? Waxa gacantiisa ku jiray labada magaalo gobol (Ceerigaabo iyo Laascaanood), nabad-na ahaa, tahdiid milatari-na ma ay muuqan markaas.

Sida keliya ee dhul lagu qabsadaa, marka aan qalbigu shacabku kula socon, waa xoog. Xoogguna, xilligan casriga ah, ee baaruudda qaraxda la isla beegasnayo, ma aha wax sahlan. Taas macanaheedu ma aha in aysan jirin dad taabcsan Somaliland. Taasi waxa marag u ah magaalada Laascaanood.
Shacabka Laascoonood xasiloonida nabadda ay haystaan waxay u mareen dariiq nabadeed iyo dib-u- heshiisiin. Weliba, waxa shaamabad ku sii dhufatay heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland ee ay Caynabo ku kala saxeexdeen bishii August 2017kii.

Dhanka kalena waxa marag cad ah in aan xoog shaqaynayn Buhoodle oo xoog kasta la dul dhigay, weeraro darandoori ah lagu qaaday sannadihii 2012-13, ilaa haddana maalin qudha aan cag la dhigin. Dadka qalbigaa laga hantaa. Buuuhoodle ba sow xadka kuma taalo!
Marka aad u fiirsato waxa aad is-odhan shayga xad la yidhaa waa ba dhalanteed. Xad-maamul, sideedaba, waa xariiq la jeexay, ama la mala-awaalay; ay wacan tahay in la isku raaco, dabeetna lala noolaado. Dagaal ma soo saaro xad-dawladeed.

Bal aan marjac ahaan soo qaato sida uu dagaalka u qeexay faylasuufka Clausewitz,“dagaalku waa sii wadidda ujeedo siyaasadeed oo si kale lagu gaadhi waayey”. Hase yeeshee waxa aynu ognahay in Somaliland deegaanada ay hadda joogaan badidooda ay ku gaadhay nabad iyo aqbalka shacabka.

Haddaan mar kale soo amaahado xikmadda faylasuufkii Clausewitz, “dagaalku ma ha cayaar waqtiga la isku dhaafiyo, ama qar-iska-maqiiq loo qaado guulaysa uun, mana aha shaqo-bilaash loo xiisoodo: waa marin halis ah oo looga gol-leeyahay yool culus oo culus”. Waxan qabaa in nuxurkii caalimka aanan soo wada turjumin ee fadlan qasadka ka raac.
Waxan uga socdaa tallow yaa garanya ujeedada m/weyne Biixi uu ka lahaa duulaankiisii Tukaraq ee bishii Janaayo 2018? Ujeedadaasi ma cadda: ilayn ilaa hadda xad la gaadhay oo la soo xidhay ma jiree!
Sida keliya ee lagu fasiri karaa waa in uu Md Biixi aaminsanaa, marku qaadayey duulaanka: in dagaalku yahay ciyaar-ciyaar dhoolo-tus ah. Sow tii la lahaa Md Biixi waa colonel. Malaa wuu ilaabay qeexidda erayga dagaal!
Maxaa lagu fasiri karaa madaxda Somaliland ee imika soddon sanno ku dhowaad ku taamaysay xadkaa la tegayaa, khasaare badan oo nafeed iyo maalba keentay, joogtana dhiiggu u daato; haddana ku sii indho-adag yoolkaas – xadkaa la soo xidhayaa. Malaa ictiraafkaa sidaa ku jira!

Xadku sidiisaba ma aha xariiq Ilaah samada ka soo rogay; waa xariiq dadku isku raaco si loo fududeeyo is-maamulka dawliga ah. Jeer kasta oo xoog lagu sameeyo, ma aha xad illaa deriskaagu aqbalo mooyee. Dagaalkii Somalia iyo Ethiopia ee 1977-78, waxa sabab u ahaa: Somalia oo aan aqbalin in uu xad yahay.
Waxa aad hadal ku daysaa inta uu jiro fekerka Somaliland ee ah xadka u dhexeeya Puntland iyo Somaliland xoog baa lagu soo xidhayaa, diriri waa ina daanweyne. Aniga ila ah maan guracan iyo garasho xumo. Allow noo sahal.

Wa Bilahi towfiiq

Tixraac:
http://salaanmedia.com/2019/01/ismaan-dhaafka-dhexyaal-maamulka-puntland-iyo-somaliland- jan-19-19/
Maxamuud C/llahi Axmed Daneeya wadajirka Soomaalida UK
maxamuudaxmed@live.com
18/03/2019