MADAXWEYNE OBAMA IYO ODAYGII SHEXAADAY ,MARKII UU KENYA YIMI

MADAXWEYNE OBAMA IYO ODAYGII SHEXAADAY ,MARKII UU KENYA YIMI
Booqashadii uu beri dhawayto madaxweynaha dalka Maraykanka ( Barak Huseen Obama ) ku tegey dalka Kenya , ayaa waxa u yimi oo soo dawarsaday nin yidhi Aabahaa ayaanu ilmaadeer ahayn oo waxa lay yidhaahdaa Xasan Mubarak , waxaanu uga waramay in uu yahay nin (waayeel ah) oo sabool ah oo caruurtiisii iyo caruurtii ay siidhaleen gaadhayaan 102 qof , dhamaantoodna aanay waxba haysan , markaa waxa uu madaxweyne Obama ka codsanayaa in uu caawiyo oo wax siiyo .

Madaxweyne Obama waxa uu ku yidhi ninkii , marka aan iminka dalkii ku noqdo ayaan wax kuu soo dirayaa , waxaanu waydiiyay ? halkee kuugu soo hagaajiyaa ?
Ninkii (odaygii) inta uu hareerihiisa eegay , ayaa waxa uu isha ku dhiftay Madaxweynihii dalka Kenya oo agtaagan isaga . ka dibna waxa uu ugu jawaabay Madaxweynaha Kenya iigu soo hagaaji oo magacaygana u sheeg .
Odaygu waxa uu filayaa in aanay jirin cid ka aaminsan madaxweynaha dalka , ilayn waaba lagu aaminay xilkii dalka iyo dadka oodhan ,
Madaxweyne Obama markii uu dalkiisii ku noqday , ayaa waxa uu odaygii u soo diray (hal milyan oo dollar ) (1.000.000)
Lacagtii markii ay soo gaadhay madaxweynihii dalka Kenya ayaa waxa uu u yeedhay wasiirkiisii madaxtooyada oo uu ku byidhi : lacagtan (nus milyanka )(500.000) ah ee dollar. waxaad gaadhsiisaa muwaadinka saboolka ah ee la yidhaahdo Xasan Mobarak ,
Wasiirkii waxa uu u yeedhay wasiirkii Maaliyadda oo uu ku yidhi :lacagtan (250.000) ee Dollar waxa aad gaadhsiisaa muwaadinka saboolka ah ee ay la yidhaahdo Xasan Mobarak .
Wasiirkii Maaliyaddana waxa uu u yeedhay Mayor-kii Magaalada oo uu ku yidhi :  lacagtan ( 50.000) ah ee Dollar  waxa aad gaadhsiisaa ninka saboolka ah ee la yidhaahdo Xasan Mobarak ee magaaladan deggen .
Mayor-kiina waxa uu u yeedhay xildhibaankii deggaanka ee ka soo jeeday beesha uu ka soo jeedo ninkan saboolka ahi , waxaanu ku yidhi : lacagtan (10.000 ) ee dollarka ah waxaad gaadhsiisaa ninka la yidhaahdo Xasan Mobarak ee aad isku beesha tihiin .
Xildhibaankiina waxa uu u yeedhay suldaankii beesha uu ka soo jeedo Xasan Mobarak , waxaanu ku yidhi : lacagtan ( 3000 ) ee dollar ah waxaad u geysaa ninka la yidhaahdo Xasan Mobarak waad garanaysaaye .
Suldaankiina waxa uu u yeedhay Caaqilkii reerka oo waxa uu ku yidhi: waxaad ku tidhaahdaa odayga la yidhaahdo Xasan Mobarak , inankii aad adeerka u ahayd waxa uu kuu soo diray (1000 ) Dollar oo qudha .
Caaqeilkiina waxa uu u yeedhay odaygii oo wuxuu ku yidhi : inankii aad adeerka  u ahayd waxa uu kugu yidhi , iminka waxba gacanta kuma hayo , laakiin arinkaagii waan xasuusnaanayaa , ilaahayna waan kuu baryayaa inuu ku caawiyo .
Ninkii (odaygii )  halkii milyan (1.000.000) ee uu u soo diray inankii uu adeerka u ahaa ee mucaawanada ahaa , sidaas ayaanay waxba uga soo gaadhin , oo ay jidka u fadhiisteen kuwii uu moodaayay in ay ummadda ugu aamin san yihiin ee uu u wakiishay .
Hadaba shacabka iyo ummadda wixii dunidu ku caawiso ee ay tidhaahdo dadka saboolka ah wax haloogu qabto ama ha la siiyo , bal marka ay jidka u fadhiistaan kuwii loogu soo dhiibay maxaad filanaysaa ee rajo ah ee dadkaa iyo dalkaasu yeelan doonaa ?
Waa musiibo weyn sida musuq-maasuqu mas’uuliyiinta qaranku dhaqanka uga dhigteen dhaca hantida ummadda .
Mucaawanooyinka iyo taageerada beesha caalamku ina siisona , sidan oo kale ayaanay shicibka iyo dalka toona waxba uga soo gaadhin .
Cali Maxamed Biixi