Maxay Ku Heshiiyeen Madaxweyne Farmaajo Iyo Uhuru Kenyatta + [ Sawiro ]

Nairobi (Salaanmedia.com)_ Waxaa soo dhamaaday kulan saddex geesood ahaa oo u dhaxeeyay Madaxda Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, iyadoo kulankan ahaa mid lagu xalinayay arrimaha gaarka ah ee keenay xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Kulankan oo uu fududeeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa u suura gashay inuu isu keeno Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyadoo looga hadlay xaaladihii u dambeeyay ee ka dhashay xiisada siyaasadeed ee labada dal

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa qoraal kooban ka soo saaray kulankan ayaa lagu sheegay in Madaxda Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan nabadda Gobolka, ayna qaadaan tallaabooyin lagu xalinayo arrimaha ka dhashay xiisada sii kordheysa ee labada dal.

Inkastoo aan la carabaabin xiisadda, hadana qoraal kooban oo goor sii horeysay ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya in Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dowladood.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Kenya oo ku saabsan kulanka, waxaana la filayaa in Warbaahinta Kenya ay si faah faahsan uga hadlaan kulamada saddexda Hoggaamiye iyo waxyaabaha looga hadlay