Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Sanduuqii Madoobaa Ee Diyaaraddi Shalay Burburtay Oo La Helay

Addes Ababa (Salaanmedia.com)_ Burburka waxa sababay ayaa la filayaa in sanduuqa laga helo

Diyaaraddi shaly burburtay oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Itoobiya uu lambarkeeda duullimaadka ahaa 302 oo gudaha dlkaasi ku soo dhacday ayaa la helay sanduuqi xogta diyaaradda laga heli lahaa.

Shirkadda diyaaradaha sameysa ee Boing waxaa laga sugayaa iney ka jawaabto sababta keentay diyaaradda iney burburto 6 daqiiqo oo keli xilli ay hawada ku jirtay.

Lixdii bilood ee la soo dhaafay waa shilki diyaaradeed ee labaad ee ku yimaadda diyaaradda boeing uu noocedu yahay 737 Max 8.

Bishii October ee sanadkii horana diyaarad noocan ah oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee “Lion” oo burburtay waxaa ku dhintay 189 qof.

Please follow and like us: