Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Shacabka Somaliland Oo Baafinaya Waftigii Madaxweyne Muuse Biixi .

Hargaysa (Salaankedia.com)_ Qaar ka mid ah shacabka Somaliland ayaa waxaa ay is weydiinayaan madaxweyne Muuse Biixi oo muuqaal iyo sawir laga helo ay ugu danbeysay maalintii uu gaadhey Imaaraadka Carabta ee lagu soo dhaweyeyey madaarka Dalkaasi oo ay bishu aheyd 09.03.2019

Madaxweyne Biixi oo dalka ka maqan muddo afar cisho ilaa mudadaas-na lama arkin cid masuulyiin ah iyo meel uu Imaaraadka kaga sugan yahay marka laga reebo maalintii lagu soo dhaweeyey Madaarka magaalada Abu Dubia .

Sidoo kale Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka ayaa Isniintii bartiisa Facebook ku soo qoray in madaxweyne Muuse Biixi la kulmay Masuulyiin dalka Imaaraadka ka tirsan kuwaas oo aanu Safiirku sheegin magic-yadooda iyo xilalka ay Imaaraadka u hayaan , sidoo kale na aan laga helin wax sawiro iyo muuqaal ah toona

Dhinaca kale Safiirkii hore ee Somaliland Imaaraadka U Fadhiya AMB Baashe Cawil ayaa bartiisa Facebook soo dhigay in madaxweynihii hore ee Daahir Riyaale uu booqasho ugu yimid madaxweyne Muuse Biixi Hotel-ka uu ka dagan yahay magaalada Abu Dubai

Sidoo kale Guuguulaha oo ah qeyb ka mid ah wargeyska Geeska Africa Oo Hargeysa ka soo baxa ayaa waxaa uu isna soo qoray qoraal uu ku baafinayo madaxweyne Muuse Biixi .

Please follow and like us: