Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Siyaasadda iyo akhlaaqda siyaasiga maanta joogaa laba isleh maaha .

Siyaasadda iyo akhlaaqda siyaasiga maanta joogaa laba isleh maaha .
Hadaba siyaasaddu akhlaaq ma leedahey ? tanu waa su ‘ aal da ‘ wayn oo taariikhiya oo culimadu iyo aqoon yahaniinta siyaasaddu wax badan iswaydiiyeen , wax badana baadheen wax badana ka yidhaahdeen (kana qoreen) , bal hadaba inyar oo kooban aynu ka soo qaadano .
1- Siyaasaddu waa shaqo uu hogaaminayo xaakim (madaxweyne) oo uu shacabkiisa ku maamulaayo , waa nidaam siyaasiya oo uu ku siyaasadeynaayo (ugu shaqaynaayo) bulshoweynta .
waxaanay u baahan tahay XIKMAD +(garaad badan )+(indheer garadnimo)+(aqoon)+(faham aad bulshadaada fahanto)+(debecsanaan)+(hanjabaad)+(soo jiidasho) ,
arimahanu waa qaar ku keeni kara siyaasiga in uu ka durko (fogaado) aasaaska akhlaaqda iyo toosnaantii qofnimo , WAAYO ? wax badan oo iska soo horjeeda ayay tahay in uu isku wado . laak iin(haddii caddaaladi jirto oo sharciga loo siman yahay waxanu ma dhacaan ) .
2- Aqoonyahankii (ARISTO) waxa laga soo wariyey , markuu siyaasadda qayaxaayey : SIYAASADDU WAA CILMIGA MADAXDA (madaxweynaha ) ama (hogaamiyaha ) , shaqadaasuna waxay u baahan tahay AWOODO badan oo kala duwan , oo ay ku lammaan tahay XEELADO iyo TABO fara badan , oo isugu jira qaar ka hor imanaya (khilaafaaya) AKHLAAQDA GUUD . (hadda maaha xaakimka islaamiga ah ee akhraaq diisu iyo dhaqankiisuba diinta ka soo jeedaan ) .
3- Waxa jira xidhiidho iyo heshiisyo la yaqaano oo cad oo u dhexeeya XAAKIMKA (madaxweynaha) ama (hogaamiyaha) iyo LA XUKUMAHA (bulshada ama shacabka) .
kuwaas oo DISTOORKA ku qoran , qodobadiisuna qaanuun la yaqaano yihiin .(adigu muwaadinaw ma kala taqaanaa waxa aad xaq u leedahay ? ) iyo (waxa xaq la guugu leeyahay ?) .siyaasiyiintuna way kala yaqaanaan (qaarkood) , laakiin muwaadiniintu (bulshadu) ma kala taqaano , sidaa awgeed ayuu xaakimku ka faa iidaystaa (jahliga bulshada) .
Hadaba xaakimku(madaxweynuha ama hogaamiyaha) xariifka ahi , waxa uu yahay ka AQOON iyo GARAAD DHEER bulshada inteeda kale , oo qaanuun (qodob) cad oo qoran oo lagaranayo khilaaf ka horkeena ama qodob kale , isaga oo qaanuun ama qodob kale u adeegsanaya .
Waxa weeye xaakim (madaxweyne ama hogaamiye) kastaa , wuxuu geysan karaa sababina karaa , inay dhibaato siyaasadeed (musiibo siyaasadeed ) dhacdo , isaga oo deba martaynta qaanuunka adeeg sanaaya iyo distuurka aan dhamays tirnayn , ee leh dal daloolada aan caddayn ee kala dhiman , oo aan si buuxda loo lafa gurin .(ee meelo badan ka qabyada ah ) , qodobadiisuna (qaar ka mid ahi) ay aad iyo aad isaga hor imanayaan .
Matalan :qodob kastaaba qodob kale ayuu ku lamaan yahay , isaga oo ujeedadiisu aanay qayaxnayn .
Waxa taariikhda bulshada aduunka lagu hayaa , dad badan oo diiday inay siyaasadda ku biiraan (ka qayb qaataan) , iyaga oo u ilaashanaaya magacooda +sumcadooda +sharaftooda , inuu kaga dhex wisikhoobo siyaasadda , mana rabaan in naftoodu ku dhex milanto siyaasadda , aan nadiifta ahayn (waa ta iminka taagan) .
Qaar kale oo badanina way ka qayb qaateen siyaasadda iyo xukun kaba , dhibaatooyin badan oo ay ka shanleeyeena (ciil kaanbiyeen) way ka soo gaadhay .
Laakiin yar baa noqota siyaasi AKHLAAQ leh , in kasta oo ay adag tahay iminka , waayo? siyaasadddiibaa noqotay kayn ay bahalo dad cuni (mutawaxishiin ahi) ka buuxaan , oo u diyaara inay ku legdaan kuna cunaan .
sidaa awgeed , waa inaad diyaar u tahay , inaan lagu legdin , laguna cunin , adiga oo aan insaaniyadaadii (dad nimadaadii) ka tegin weliba , oo aan sidooda oo kale noqon (wuxuush) dad cuna ama dhiigyo cab ah .
Waxa taariikhda siyaasadda soo maray , siyaasiyiin lagu sheego inay ahaayeen , siyaasiyiin waawayn , laakiin ficillo sheydaan lahaa sida ( roosvelt -churchill ) waxaanay odhan jireen :siyaasaddu waxa weeye ,inaad sheydaan ka la xulufawdo (midawdo) ama laabta gashato (ama u gasho) , mar haddii aad faa iido dalkaaga uga keenayso ama adigaba kuu keenayso .
Waxa kale oo churchill laga soo weriyey , inuu ka tuman jirey kuna qosli jirey , dadka akhlaaq wanaaga siyaasadeed ka hadla ee isku xidha , siyaasadda wanaagsan ee akhlaaqda wanaagsan xanbaarsan (huwan) , waxa jirtey inuu churchill INDIA booqasho ku tegey , markaasuu soo booqday xabaalihii uu Gandi ku aasnaa ,waxaana qabriga dushiisa ku qornaa ereyadan :halkan waxa ku aasan nin shariif ahaa (nabiil -nadiif) ahaa , oo siyaasi weyn ahaa .
markaasuu churchill isaga oo kaftamaaya ,ayaa waxa uu yidhi 🙁 waa layaab (waa cajiib) sidee laba nin loogu wada aasay xabaal (qabri) qudha .
Ujeedadiisuna waxay ahayd ( nin shariif (nabiil-nadiif) ahi iyo nin siyaasiyi ahi qof qudha qalbigiisa kuma wada kulmaan (ama ma wada qaado) ,macnuhu waxa weeye ( ma jiro siyaasi nadiif ahi ) , waa aragtidiisa .
Laakiin waxa weeye siyaasiga wanaagsani (fiicani) waa kii ummadiisa u adeega ee u noqda daacad , una noqda ummadiisa adoon u shaqeeya , horumar iyo caddalad iyo wanaagna gaadh siiya .
Ifkana ceeb ka carar (ka fogow) , aakhirona cadaab .
Illahay hogaamiya yaasha iyo siyaasiyiinta ha inoo hagaajiyo . AAAAAAMMMIIINNN
ma kuwa iminka jooga , mise kuwa danbe ?
kuwa iminka joogaa , waa laga quustaye , bal kuwa danbe aynu eegno .
CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk

Please follow and like us: