XAFLAD BALAADHAN OO QAADHAN URURIN AH ISKUULKA MAXAMUUD AXMED CALI HARGAYSA OO XALAY KA DHACDAY GALBEEDKA LONDON .

XAFLAD BALAADHAN OO QAADHAN URURIN AH ISKUULKA MAXAMUUD AXMED CALI HARGAYSA OO XALAY KA DHACDAY GALBEEDKA LONDON .

Waxa ka  qabsoontay galbeedka  London xaflad balaadhan oo qaadhaan  urrin ah iskuulka Maxamuud Axmed Cali Hargaysa SomaliLand.

Xaflada waxa daadihinay Suldaan Mubarik Cumar Ibrahin  xafladaas oo ay soo qaban qaabiyeen ardaydii iskuulka dhigan jirtay wakhtii dagaalda ka hor (1988) ardaydaas oo isku xilsaartay dib u dhiska Iskuulkaas oo dayac badani ka muuqday  horana wax badan  uga qabtay qalab badan geeyay .

Xafladaas oo ay isugu yimaadeen dhamaan bulshada kala duwan ee ku dhaqan UK ee reer Soomaliland oo aan si kala hadh lahayn madasha u soo buux dhaafiyay l.

Xaflada waxa furay Guddomiye Xuseen Askar oo ka warbixiyay waxqabadki gudigiisa & halka wax u marayaan si baaldhana ugu mahad celiyay dadkii madasha soo ajiibay dadakana ka codsaday in ay kaalin laxaadleh ka qaatan dib u dhiska iskuulka Maxauud Axmed Cali Hargaysa Somaliland.

Intaa ka dib waxa hadalka lagu wareejiya Safiirka Somaliland u fadhida Wadankan UK Marwo Ayaan Cashuur warbixin koobana ka jeedisay madasha kana hadashay qiimaha ay waxbarshadu leedahay kuna bogaadisay gudigan is xilqaantay ee wax qabadka muujiyay qof kasta oo madasha fadhiyana ka codsatay in uu ka qayb qaato qaadhanka iskuulka wax loogu qabanayo gaar ahaan Xisbiyada Qaranka oo goobta joogay waxaany halkii kaga dhawaaqday $1000 .waxa isna hadalkii qaatay Ambasidor Diinaari oo ka yimi waddanka Denmark oo ka mid ah madaxda Xisbiga Waddani mahadcelin balaadhan ka dib waxaan ku faraxsanahy in aan idinkala soo qayb galo xafladan quruxda badan oo sida bilan loo soo agaasimay hadaanu Xisbiga Waddani nahayna waxaanu qaadhaanka kaga qayb qaadanayna $1000 isla goobtiina lacagti wuu ku wareejiyay.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad UK, goobta mahadcelin ka dib goobta kaga dhawaaqay $1000,sidoo kale Xasan Macalin oo matalayay Xisbiga Ucid ayaa goobta ka jeediyay taariikhdii Maxamuud Cali waxaanu qaadhanka ku dhawaqay $1000 ,Xildhibaan Kaltuun baanday oo ka soo baqooshay Sheffield  oo goobta hadal kooban ka jeedisay taariikhdi Aabihii waxbarashada Soomaaliland/Soomaaliya  Maxamuud Axmed kuna tlmaantay wax laga xumaado in maanta qaadhaan loo ururinayo iskuul huwan magaci Aabihii waxbarashada Dadkana ku boorisasy in si mug & miisaanleh looga qayb qaato qaadhanka iskuulan loo ururinayo.

Bahda Isboortiga Mohamed Badhsab & Basalo oo hadal kooban goobta ka jeediyay waxay ku yabooheen £2000 .

Gudoomiya jaaliyada SSUK oo goobta ka hadlay aadna ugu farxsanaa waxqabadka jaaliyada uk wax qabdkooda wuxu goobta ka cadeeyay in ay £1500 bixin doinaan hadii ilaahay.Gudoomiyihii Jaaliyada Bariga London oo xaflada  bogaadiyay ayaan isna goobta ka sheegay in bixinyaayaan $2500 hadi ilaaha  yidhhahdo .intaa ka dib dadkii xaflada ka soo qayb galay ayaa iyaguna si aan hagrasho lahayn gacanta u boobay iyagoo isku qoray lacagayow kala duwan $500,300,200,100 .

Gabagabdii waxa xaflada lagu gudoonsiiyay shahaado sharaf fanaantii qaranka & xubno kale oo muhiim kaalin xoogan ka gaystay taburaca iskuula.

Waxa kale oo madasha ka hadlay Ambasodar C/risaq Afqaraf, Xusen Asad, Deeqa,Asma,sahra,Mushtaaq. Xafladiina waxay ku dhamaatay Guul.  Soomaalind allow dhawr!.