“xafladdo indho sarcaad ah Ma qaadi karo” Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Muxuu Ka Yidhi dhagax-dhigga Waddada Berbera Corridor Iyo Laba Wajiilaynta Wasiir Sacad??

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa ka hadlay dhagax dhiga waddada isku xidhaysa Berbera ilaa Wajaale.

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo qoraal uu soo saaray waxa uu kaga hadlay dhagax dhiga maanta loo sameeyey waddadan isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay in dhagax dhiga mashruucan oo aan hirgelin hadana dabaal deg loo muujiyo.
Ugu horayn Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Horta wadadda Berbera Ilaa Wajaale (Berbera Corridor) ilaa 9 sanadood baa la hadal hayey. Runtiina aad bay muhiim tahay in la sameeyo. Dunida kale kolkay wax dhamaadaan baa loo dabaal degaa laakiin xageena kolkaynu dhagax dhignaba xaflad baynu samaysanaa. Malaha inagu wax qabadkaba waxaynu u naqaan kolkaa dhagax meel la soo dhigo, Waxay ka dhigan tahay adigoo xaflad sameystay kolkaad dherigii dabka saartay. Yeelkadeede.
Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay laba wajiilaynta Wasiirka horumarinta maaliyada waxaanu yidhi “Sownigii moodaayey inuu wasiirka Horumarinta Maaliyadu inagu yidhi dhawaan kol wax laga weydiiyey Saldhiga Milateriga ee Imaaraadku dhisayo ee Berbera in aanay wax kiro ah ka qaadanaynin oo badelkeeda dhami uu yahay in ay Imaaradku inoo dhisaan Wadadda Wajaale ilaa Berbera.
Hadda isla wasiirka laftigiisa ayaa xiligii dhagax dhiga dekadda yidhi ” Itoobiya ayaa 19% leh Oo $80 million ee dollar qaybteeda ah waxay ku dhisaysaa wadadda Wajaale iyo Berbera, Hadda waagii dawladda Siilaanyo ee aan Dekadda Berbera intaan la bixina ka hor waxa laynoo sheegay in wadadda Berbera ilaa Wajaale ay inoo dhisi doonaan European Union. Horta dawladnimadda ma xafladayn baynu u haysanaa, mise shicibkaa waxqabad looga dhigaa? Cadceeda wax sacab qariyo way ka weyn tahay. Dadkan bilaa biyaha ah ee bilaa shaqadda ah ee mar walba canshuurihii cirka lagu geynayo, xafladdo indho sarcaad ah Ma qaadi karo.
Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa intaas raaciyey “Kolkaa wadaddan Togwajaale ee noqotay Xaawa leh, yaa maalgelinaya? Marna Saldhiga ayaa lagu badeshay marna Itoobiya ayaa 19% ku maalgelinaysa ayaa hore laynoogu sheegaye; teebaa run ah. Madaxweynaha da’da yar DDS ee Itoobiya isagu soo dhaweyn iyo qadarin ayuu inaga mudan yahay ee aynu iska hubino uun inaan sawir lala galaynin.
Walee Wajaale ilaa Berbera war baa yaala. Shacabku yaanay qiiro muxaafadnimo iyo mid mucaaradnimo ina qaadine wax badan baa ina horyaala mana xuma in suaalo lays weydiiyo. Allow sahal amuuraha.