XAQ (xaqii) IYO BAADIL (dulmo + been ) AYAA ISQABSADAY OO DAD ISULA TEGEY ???

Waxan maanta kaaga sheekeynayaa oo aabahay iiga sheekeeyey , aabaheyna aabihii uga sheekeeyey , sheekoi soo jireen ahayd , oo abidkeed soo jirtey .
Waalin maalmaha kamid ah , ayaa waxa wada lugeeyey XAQ iyo BAADIL (DULMI +BEEN ) ,safar dheer bay wada galeen , kabacdi way DAALEEN , laakiin sida lagu yaqaano XAQA , (xaqu waa xoog iyo awood badan yahay ) mana daalo mana wahsado kamana muuqdo daal.
BAADIL (dulmi +been) waxa lagu yaqaanaa jil jileec (daciifnimo) sidaa awgeed wuu istaagey oo wuu daaley , wuxuu ku jidhi saaxiibkiisii ay wada lugeynayeen : SAAXIIB WAAN DAALEY , MANA DHAQAAQI KARAAYO EE MAAD I XANBAARI …. OO MAAD I QAADI ???
XAQII AYAA AAD IYO AAD U QAYLIYEY , WUXUU XIDHI :
MAXAAD TIDHI ???
MA BAADIL (dulmi +been) BAA DOONAAYA IN UU XANBAARO XAQ (xaqu) ?
MA WAX CAQLIGA GALAA ? WAXAY AHAYD ANIGA (XAQA) INAAD I XANBAARTO ???
Muran iyo dood dheer baa dhex martey , BAADIL (dulmi +been) yidhi : saaxiib idhageyso … DIMUQRAADIYIIN aynu noqono .. OO DIMUQRAADIYAD AYNU ISULA TAGNO , IYADAA ( DIMUQRAADIYADDU ) XAL AH E , oo dadka (bulshad) codkeedu hay na kala saaro , sidaa awgeed dad aynu isula tagno .
XAQII wuu ogolaadey arinkan waanuu u riyaaqay , waayo wuxuu ogyahay hubaana in dadku xaqa taageeraan isna garab taagaan .
Waxa balaabantay ololihii beretenka doorashada XAQ iyo BAADIL ,
XAQ BAA WUXUU YIDHI : DADYAHAW (BULSHA YAHAY) WAAD IWADA GARANAYSAAN ANIGA .. ANIGU WAXAAN AHAY XAQII , kan ila tartamayaana waa BAADIL (dulmi +been ) , labadayaduna waanu daalanahay , arankuna waxa weeye in uu midkaayo ka kale xanbaaro ( IN UU MID KAAYO KA KALE QAADO )…… hadaba
KEE BAA KA KALE XANBAARI DOONA … ANIGA MISE ISAGA ? KEEBAA KA KALE XANBAARI DOONA ?????????????????????????????
Waxa dhacdey doorasho XAQ ah oo XALAAL ah .
Dadkii (shacabkii ama bulshadii) mar qudha ayay wada qayliyeen , oo ku dhawaaqeen , erey qudha oo dhulka IYO buurahaba ka GARIIRIYEY … XAQA (XAQQA) ayaa LAXANBAARAYAA ,.
Min maalintaa ilaa iyo maanta XAQA (XAQU) isagaa la xanbaarsan yahay ,
BAADIL NA (dulmi +been ) wuu lugeynayaa .
Hadaba XAQ iyo BAADIL waa la kala garanayaa , wayna kala cad yihiin sida maalinta iyo habeenku u kala cad yihiin .
laakiin way isdaba socdaan AMA way WADA LUGEYNAYAAN ,
adigaana lagaa rabaa inaad kala garato ,
adigaa ka mas uul ah ,
inaad kala saarto ,
adiga ayay tahay inaad kala garato ,
adiga ayay tahay inaad kala reebto ,
adiga ayey tahay inaad xuduud u kala yeesho,
adiga ayey tahay inaad kala taageerto ,(adiga ayey tahay inaad xaqqa taageerto)
xaqu adiga ayuu wax ku tarayaa ,
baadilkuna (dulmigu -beentu) adiga ayey wax ku yeeleysaa .
Marka aad maqashohadalada macmacaan ee faxshaxanka beenta ah lagu soo qurxiyey ,maaha in aad markiiba qaadato ,aa aad lacararto , oo aad taageerto , ee waa inaad iska hubsataa , hadalkanu inuu XAQ yahay iyo inuu BAADIL (dulmi -been ) yahay ,
waa inaad xaqa weligaa taageertaa kuna adkeysataa , isla markaana aad ogaataa BAADIL(dulmi -been) may hadhin ee aad iyo aad bay u dadaalayaan iyay XAQA jebiyaan kana adkaadaan .
BAADILku (dulmigu -beentu) maseexdaan habeen oo dhan bay soo jeedaan oo guureynayaan oo lacag iyo xumaan oo dhan qaybinayaan , oo inta u shaqaysa oo dhan shirinayaan , oo xeelad iyo dhib iyo xumaan soo xidh xidhayaan ee ogow .
BAADIL(dulmi -been -xumaan ) waxay doonayaan inay iyagu dunida ka taliyaan oo sharcigooda xmi ka sareeyo XAQ QA .
Hadaba INTII DUNIDU SOO JIRTEY MUSHKILADANU WAY SOO JIRTEY , waanay sii jireysaa , laakiin adiga iyo dadnimadaada iyo damiirkaaga ayaa lagaa rabaa inaad kala saarto , kalana garato , kalana taageerto .
Haw taageerin qofna xaqdarro , ama kan baa aniga ixiga, ama kan baan aniga isku QOLO nahay , ama kan baa inaadeerkay ah , ama kan baa waalkey ah
XAQ iyo BAADIL wax u dhexeeyaa majiraa ,
HADABA KEEBAAD TAAGEERI ? ADIGANA KEEBAA KUU DAN AH ?
ILLAAHAW XAQA NA GARANSII . AAAAAAAAAAAMMMMMMMMMMMMMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIINNNNNNN

CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk