Xildhibaan Ka Sheekeeyay Sidii Madaxtooyadu Uga Diday Markii Raysal Wasaare Abiy Axmed U Sheegay In Farmaajo La Socdo Oo Ay Hargeysa Safar Ku Imanayaan

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa soo jeediyay in Somaliland siyaasad cad ka yeelato arrimaha gobolka ka socda, islamarkaana ay jiritaankeeda ixtiraamaan dawladaha jaarku.

Hadalka Xildhibaanka ayaa daba socday xukuumadda oo dhawaan ku jaahwareertay socdaal ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ku doonayay in uu Hargeysa yimaaddo isaga oo uu weheliyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.
Xildhibaanka oo shalay ka hadlayay fadhigii golaha ayaa yidhi “ Wuxuu (Dr Abiy) kaxeeyay Farmaajo oo uu geeyay Kenya, isaga oo Kenya jooga ayuu inala soo hadlay, wuxuu yidhi ‘waxaan soo wadaa Farmaajo’ waynu isku didnay, waynu isku diday Asxaabta ayaynu u yeedhnay, wasiirrada ayaynu u yeedhay maxaa la yeela haddii uu halkan ka soo dego? Wixii ka soo baxay waynagii ogayn,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaanku.
Waxa uu intaasi raaciyay in ay ahayd in arrintan oo kale marka horeba siyaasad laga yeesho “ Waxa weeye dawlad walba waxay leedahay barmaamij. Haddii uu maanta madaxweynaheenu hawl leeyahay oo hawshii uu lahaa laga faro fareeyo oo la doonayo in barmaamijka la bedelo oo la yidha ‘aniga soo degaya’ dee nidaamka dawladnimada meel ay taasi kaga jirto anigu ma aqaan, waa in aynu ka mudnaana ixtiraamka aynu leenahay ee dalkeena iyo dawladdeenu leedahay.”
Madaxtooyada Somaliland ayaa la sheegay in ay ku salbabakhday tallaabadii laga qaadi lahaa damaca Dr Abiy Axmed ra’isal wasaaraha Itoobiya ku doonayay in uu madaxtooyada ku keeno Madaxweyne Farmaajo taas oo kadib wada tashi ay madaxtooyadu la yeelatay xisbiyada iyo goleyaasha la isla qaatay in Somaliland ka cudur daarato safarka wada jirka ah ee Farmaajo iyo Abiy.