Xildhibaanada Golaha Deegaanka Burco Oo Cabasho U Gudbiyay Golaha Wakiillada Iyo Guddoomiye Baashe Oo Ka Hadlay Arrimaha Ay Ka Cabanayaan

Burco (Salaanmedia.com)_ Xildhibaanada Golaha deegaanka Burco ayaa cabasho ka dhan ah xeer 23/2002 iyo 12 oo qeexa qaab maamulka cashuuraha dawladda dhexe ku soo celiso degmooyinka u gudbiyay shir guddoonka golaha wakiilada maanta.
Xildhibaanada uu horkacayo maayirka Burco ayaa sheegay in xeerkaasi aannu u caddaalad samaynayn oo uu u kala sadburinyo degmooyinka.
Qoraalka ay gudbiyeen ayaa qayb ka mid ah lagu yidhi.
” Dekedda Berbera iyo Kastamka kala Baydh waa hanti qaranku leeyahay, xoolaha lagu cashuuraana Hanti ka dhaxaysa ganacsatada Somaliland oo aan cid gaari sheegan karin, sidaa darteed waa in cashuurta ka baxaysana loo sinnaadaa oo aanay la mid noqon cashuuraha Ardiyada, Liisamada, digada xoolaha, cashuur dejinta Badeecadaha……”
Xildhibaanada Burco ayaa qoraalkooda hal-ku dhig uga dhigay “Rag caddaalad waayay sida Cawsha kala yaac”
Guddoomiyaha golaha wakiillada ayaa waxa uu ka hadlay cabashadaa loo soo gudbiyay iyo waxa ay ka yeelayaan,

Halkan hoose ka DAAWO