XOG : Ma Madaxweyne Muuse Biixi Ayaa Socdaal Ku Tagaya Asmara Mise Madaxweynaha Eritrea Ayaa Safar Ku Imanaya Hargeysa ?

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Kadib socdaal saddex maalmood maraya ee wasiirka arimaha dibada dalka Eriteriya Cismaan Saalax iyo la taliyaha madaxweynaha Eriteriya Yamane Gebreab ay ku yimadeen magaalada Hargeysa , waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhawaan ay kulan yeelan doonan labada madaxweyne ee Somaliland iyo Eriteriya Muuse Biixi Cabdi iyo Isaias Afwerki .

Wasiirka arimaha dibada dalka Eriteriya Cismaan Saalax ayaa markii uu madaxweyne Biixi kulanka la yeeshay waxuu u sheegay in madaxweyne Eriteriya u soo diray Somaliland si ay wax badan uga ogaadaan xaalada Somaliland ay ku sugan tahay , maadama oo ay Eriteriya hawda ka maqneyd muddo 20 sanno ku siman oo ay cuno qabateyn ay saarneyd , waxaana uu sheegay in madaxweyne Eriteriya ay gaadhsiin doonan waxyaabaha ay Somaliland ku arkaan .

Kadib socdaalka masuulyiintan Eriteriya ku yimaadeen magaalada Hargeysa waxaa la sugayaa inay kulmaan labada madaxweyne ee labada dal .

Waxaa soo baxaya warar sheegaya suurto gal nimada in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu socdaal ku tago magaalada Asmara ee dalka Eriteriya , waxaana wararku intaas ku darayaan in madaxweyne Isaias Afwerki waftigiisa u soo dhiibay warqad marti qaad rasmi ah .

Warar kale waxaa ay sheegayaan in laga yaabo in madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki uu socdaal ku iman doono caasimada Somaliland ee Hargeysa kadib markii madaxweyne Muuse Biixi Martiqaad ugu dhiibay waftiga wasiirka arimaha dibada .

Si kastaba ha ahatee waxaa ay wararku tilmaamayaan in ay u dhaw dahahay in madaxweyne Biixi uu dhawaan sodaal shaqo ku tago magalada Asmara ee dalka Eriteriya si uu ula kulmo dhigiisa .

Labada Masuul ee Eriteriya ee Cismaan Saalax iyo la taliye Yemane Gebreab ayaa ah laba nin oo si aad ah ugu dhaw madaxweyne Isaias Afwerki , waana baalasha uu madaxweyne Isaias Afwerki ku duulo , waxaana wasiir Cismaan Hargeysa ka sheegay in madaxweyne Biixi siiyey war bixin Somaliland ku saabsan oo uu ku tilmaamay mid xiiso leh oo Mihiim Ah .

Source:- Geeska