Xubno katirsanaa Kooxda Daacish oo Xukun lagu riday (Daawo Sawirada)

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida dowlada Soomaaliya ayaa saakay xukun xabsi ah ku riday labo nin oo lagu helay in ay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish.

Xuseen Cali Maxamed Muudey oo magiciisa afarashadu yahay Suheyb iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali  o magiciisa afgarashadu yahay Qudaama ayaa Maxkamada ku heshay in ay katirsanaan jireen Al Shabaab markii dambana ku biireen kooxda Daacish.

Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa kiiska labadan nin in mudo ah kusoo guda jirtay, waxa ayna Maxkamada sheegtay in labadan nin qirteen dambiga lagu oo eedeeyay ee ahaa in xubno ka ahaayeen Daacish.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa shaaca ka qaaday in labadan nin ee katirsanaa Daacish lagu riday min lix sanoo oo xabsi ah .

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada koobaad ee Ciidamada ayaa sheegay in labadan nin ay racfaan ka qaadan karaan xukunkan xabsiga ah ee lagu riday hadii aysan ku qanacsaneyn xukunka.