Faysalaw Quud Aan Jirin Qoryo U Guro ( Abdi-Shotaly).

Faysalaw Quud Aan Jirin Qoryo U Guro ( Abdi-Shotaly).

Waxa la yidhi ” Qof-kaan quus aqoon, naf-tiisa baa quus ah” waa iska aduunyo lama sitaan ah, oo uu siduhu u go’ay iyo dhikil ka walhanaysa kuruska cadaysimo qaalin layli ah, inta laga kala riday, oo micna-heedu yahay, waa wax aan sii raagi doonin, oo mardhaw dhulka iskaga dhici doonta, waayo qaalinka laga kala ridayna, mid hayina maaha ee waa caga baruur yar oo buubaaya, ilayan khibrad uma laha hogaan iyo dabar lagu xidho ama rar la saaro, ee banaan-kaas buu iska ordaayeye, sidaas awgeed, bay hadba dhinac u dulindul-caynaysaa dheega layliga, oo ay kolba dhan isu tuuraysaa, meel ay cuskataana ma haysato, lamana dagagari-karo. sababta oo ah jidhkii qaalinka bay dul saran tahay, ee rar ma Jiro lagu xidhaa. aan hoos u dhaadhaco’e, oo boogta dilaaciyo, kana sii daayo malaxdda ka dhaansane, ku soo dhawaadda akhristayaal.

Sideeda-ba qofku in uu isagu is barto baa wacan, oo shakhsini-madiisu waxay tahay, ama uu samayn karo ogaado, awoodiisu intay le’eg tahay, taariikh-diisa la socdo iyo weliba sawirka uu ku leeyahay ummadda uu ku dhex Jiro, qaabka uu ugu muuqdo, waa haduu qofku wax uun iskula hadhaayo ama xeerinaayo, xishood ku Jiro, ee aanu hunguri iyo halkaad maanta wax ka dilaashaa aanay noloshaadu noqon, oo aad kitaab-kaaga hore ka soo akhirsataa, si aad u fahanto dadnima-daadda, oo aad runta isu sheegtaa keli ahaan, markaad is barato, inta aanad ummadda ku soo laba-leg-doon siddii dhagax buur laga soo tuurey, maaha in aad iska dhex qaado bad weyn aanad ka bixi karayn, oo aad sidda mawjadda kola caarido, oo aad dib u noqoto, marna xumbadda tuuro. waxa sidaas ka dhigan oo dabayli ku tidhi wax baadho, oo rux-rux doono ah, laakiin leh sifihii islaantii Xamiido ee la yidhi ” Nina way rabtaa haab-keed-na ma hayso waa Faysal Zaad” Miyaanu ahayn kii Siilaanyo ku lahaa  “Uf” baa ummadu ku tidhi” ee uu taariikh-diisa ka sheekayn jiray ilaa iyo inamaddii UFO”, bal hadaba aan si waydiino’e ma baadhasha doon baa Mise waa kursi doon? Adaa sheegi kuu yahay Mr Faysal Zaad.

Faysal Zaad waxan leeyahay ” Ceebtaa maaha ee waa caadadaa, oo wax kula yaabaaya baaba iska yar. Caqliga ku jiraa waa ka ku yidhi, mar afraad isi  soo sharax, waad ku guulaysa-naysaaye, ilayn damiir canaanta iyo dareen ku toosiya mid-na ma haysa-tide. xidigaha cirku intay inoo jiraan laban-laab-keed baa kuu jirtaa in lagu doorto, intii dunidu jirtay hadaad dib u noolaato, waa kaa xaaraan kursi aad fuushaaye, ha kfekerin waa taas oo abada ahe. horaa Somalidu ugu maah–maah-day qof noocaas ah, oo riyo iyo khiyaali aan jirin barkadda sidda Faysal Zaad, iyadda oo u sheegaysa in aanu weliggii kob cagaar leh ka soo durduri-nayn. Faysal waxa lagu sabay sidda caruuta, annaka baa wax kuu hayna haddii aad Faysal Zaad tahaye nala heshii, taas oo waxa ay u hayeen aanay jirin, laakiin uu ku qaatay intii yareyd ee Telefoonka Zaadka ah loogu shubi jirey,  iyaka oo ku maaweeliyey, Haddii uu Waddani Foodka ka qayb geli waayo, waxad helaysaa Xildhi-baano badan, ilayn cid iska soo sharaxi-mayso Waddaniye, markaa laba-deena ( Waa Qudhmiye iyo Ucidka uu guudka ku sito Faysal Zaade), baa dhamaan kala qaybsa-nayna xildhi-baanadda deegaanka iyo baarlamaan ku sheega-ba, isagu-se ( Waa Faysal Zaade), wuu ka dheregsan yahay xaal-kiisa, oo waa ii dhiib, aan lugta kuu qabto Waddaniye, in aanu wax helay-na kama dedna, wax qabsooma-yaana aanay jirin, ee wuxu heshiis-kaas ku galay, waxoogaa ka fara qabso. mase dareen-sana inuu ku nool yahay daciif-nimadaas iyo dhuuni raacnimo, ka wax bixiyaa waa ilaahaye, ee Faysal zaadaw iska hoos jiif ” Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximan, intaas baad la tan tahay iyo in fara guud-kood lagugu quudiyo’e.

* N.B Ceebtaa Maahee Waa Caado Lagugu Yqaanay.
Qore:- Abdi-Shotaly