Gudoomiye Xisbiga Wadani Oo Dalka Ku Soo Fool Leh Iyo Diyaar Garawga Soo Dhawaynta Oo Hargeysa Laga Dareemayo

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani iyo taageerayaasha xisbigaasi ayaa diyaar garaw ugu jira soo dhawaynta gudoomiye Ciro.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro) oo mudooyinkii ugu dambeeyey ka maqnaa dalka ayaa maalinta bari ah ku soo laabanaya caasimada somaliland ee Hargeysa.

Magaalada Hargeysa ayaana gelinkii dambe ilaa caawa laga dareemayaa diyaar garawga ay taageerayaasha xisbiga Waddani ugu jiraan soo dhawaynta gudoomiyahooda.

Soo laabashada gudoomiyaha waddani ayaana ku soo beegmaysa wakhti ay labada xisbi ee Ucid iyo Kulmiye ay maanta shaaciyeen go’aano ay ka gaadheen doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanka iyo shaqada guddida doorashada.

Gudoomiyaha xisbiga Waddani ayaa la filayaa inuu ka hadlo talaabada ay qaadeen xisbiyada Ucid iyo Kulmiye iyo aragtida uu xisbiga ugu weyn mucaaridka ee Waddani ka qabo talaabadaasi.