Maayarka Caasimadda oo Hadhimo-sharafeed ku maamuusay Madax-dhaqameed ka soo jeeda Bariga gobolka Sanaag

Hargeysa (SalaanMedia)- Maayarka magaalada Hargeysan, ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee Caasimadda, ayaa maanta hadhimo-sharafeed u sameeyey madax-dhaqameed iyo wax-garad ka soo jeeda gobollada Sanaag iyo Badhan oo muddooyinkii u dambeeyey socdaal ku joogay magaalada Hargeysa.