Madaxweynaha Somaliland Oo Si Adag Uga Hadlay Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Oo La Dilay

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan Asluubta iyo Booliska, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah:-

Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, Taliyihii Xabsiga degmada Gar-adag ee Ciidanka Asluubta.

Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Gar-adag.

Saraakiishaas oo ay galabta dablay hubaysani ku dileen weerar jidgooyo ah Degaanka Gobabka Maxan ee Degmada Yogoori, madaxweynuhu waxa uu laamaha amniga ku amrayaa inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglayaashii gaystay fal denbiyeedkaasi. Waxaanu madaxweynuhu digniin adag u dirayaa cid kasta oo isku dayda falalka noocaas ah in gacan bira lagu qaban doono.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo ciidamada qaranka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.