Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Madmadow Hadheeyay Jiritaanka Shirkadda Fulinaysa Mashruuca Xukuumaddu Ka Dhagax Dhigtay Berbera Ee Sifaynta Shidaalka

Masuuliyiin Xukuumadda Ka Tirsan Oo Ku Kala Aragti Duwan Su’aalaha Waaweyn Ee Ka Taaggan Mashruucan

Hargeysa Tobankii bishan April madaxweyne xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi ismaaciil (Saylici) oo hoggaaminayo wasiirro dhawr ah oo xukuumadda ka tirsan ayaa dhagax dhigay mashruuc lagu tilmaamay maalgashigii ugu weyna ee Somaliland laga hirgelinayo oo ah warshad sifaynaysa Saliidda Qaydhiin.

Madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirro iyo masuuliyiinta gobolka iyo degmada Berbera ama gobolka Saaxil oo munaasibadda ka hadlayay waxay si weyn ugu faaneen in warshaddani tahay mashruuca ugu weyn iyaga oo qaarkood gaadhsiiyay in ay Afrikaba meelo kooban arrintan oo kale ka hirgashay.

Hase ahaatee su’aalo waaweyn ayaa ka taaggan jiritaanka shrkaddan; su’aalaha taaggan ayaa kala ah in shirkadda laga leeyahay Singapore iyo in laga leeyahay Shiinaha maaddaama la sheegay in laba shirkadood oo la kala yidhaahdo Singapore New Silk Somaliland Energy CO LTD (SNSSEC) iyo China Power. Waxa kale oo la is waydiinaya in ay yihiin shirkado jira. Waxa kale oo aan la ogayn shidaalka Qaydhiin ee ay sifaynayaan midka uu yahay.

Warbaahinta Somalilandchronicle oo baadhitaan xeeldheer ku samaysay jiritaanka shirkadahan ayaa warbixin dheer oo Af Ingiriisi ah oo ay arrintan ka qortay ku sheegtay in aanay jirin xog laga hayo jiritaanka shirkadahan marka laga reebo shirkad ku magac dhaw Singapore New Silk Somaliland Energy CO LTD oo magaceedu yahay Singapore New Silk Energy PTE. LTD taas oo la aasaasay sanadkii 2018 laakiin, aan la aqoon meelo ay ka soo shaqaysay.

Masuul shirkadda u hadlay oo ka hadlayay munaasibadda dhagax dhigga ayaa sheegay in shirkaddani shaqadan bilawday sanadkii 2017. Waxa kale oo uu sheegay in mashruucani bilaw u yahay isku xidhnaanta Somaliland iyo Singapore laakiin, waxa jira arrimo kale oo mashruuca la xidhiidhinaya Shiinaha oo ay ka mid yihiin in mashruuca ay qayb ka tahay in 300 oo dhallinyaro ah lagu soo tababari doono Shiinaha kuwaas oo madaxweyne xigeenku sheegay in ay noqon doonaan kuwa ku jira mashruuca Shaqo Qaran.

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ka hadlay su’aalaha la iska waydiinayo mashruucan ayaa u muuqda in aanay wax aqoon ah u lahayn shirkadda iyo shidaalka la sifaynaya halka uu ka imanayo.

Agaasimaha guud ee Bandhiga Dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo oo u holladay in uu madmadowga ka saaro mashruucan ayaa ku tilmaamay kii ugu weyna Somaliland oo ay daba socdaan warshado farsameeya hadhaaga shidaalka la sifeeyo iyo caagadaha sharaabka sidoo kalena ay barbar socoto shirkad weyn oo laydh oo wada hadal kula jirta shirkadaha laydhka Somaliland si laydh jaban ay u helaan warshaduhu.

Mr Carwo wuxuu intaasi raaciyay shidaalka uu noqon doono kan lagu sifaynayo warshadda Berbera laga dhisayo waxaanu ka hadlay in shidaalka Itoobiya laga helay qayb ka yahay “ Waa hubaal, inagu dekeddii baynu leenahay Itoobiya deked ma leh marka haddii sifaynteenu shaqayso wayxaabaha ay lacagta intaa leeg galinayaan maaha oo kaliya in ay ku fillaato Somaliland ee waa in Somaliland wax sii dhoofiso. Had iyo jeer iskuma xidhna dawladduhu iyaga oo aan baadrool haysan ayaa halkii ay baadrool saafiya ka soo qaadan lahaayeen ayay baadrool qaydhiin soo qaataan markaas ayaa warshaddaadii dib ugu sifaynaysa si aad adigu dadkaaga shaqo ugu hesho. Inagu shidaalka oo saafi ah ayaynu keenaynay ee waxaynu keenayna shidaalka oo qaydhin oo aynu inagu dib u sifayno oo aynu dib u iibino oo waddamada jaarkeena oo dhan loo dhoofiyo shidaalkii lagu sifeeyay halkan,” Sidaas ayuu yidhi Agaasime Axmed Xasan Carwo.

Hase ahaatee wasiirka maalgashida Somaliland Maxamed Axmed Cawad oo BBC-da uga warramay arrintan ayaa sheegay in shidaalka warshaddu sifayn doonta yahay kan la rajaynayo in Somaliland laga helo “Saddex shirkadood ayaa shidaal baadhis ka wada Somaliland dhammaantoodna rajo ayaa laga qabaa in ay shidaal heli doonaan,” ayuu yidhi wasiir Cawad.

Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland oo meel muhiim ah ku taalla rajo laga qabo in shidaallo meelo kale laga keenay lagu sifeeyo “Maaddaama oon meel dhexe ku naallo waa meel la keeni karo shidaallada Bari iyo Galbeed ka soo baxa ka dibna lagu sifayn karo oo Afrika oo dhan halkaas laga gaadhsiin karo,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirku waxa aanu meesha ka saarin rajada laga qabo in Itoobiya noqoto meelaha suuqa u noqonaya warshadda laakiin, sida laga warqabo shidaalka laga helay gobolka Soomaalida Itoobiya waxa laga xidhaya dhuumaha qaada dekedda Jabuuti si halkaasi looga dhoofiyo. Somaliland ayaa marar hore soo hadal qaadday in ay uga dhawdahay dekedaha kale oo dhan laakiin, ma muuqdo qorshe arrintaasi wax lagaga bedelayo.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore heshiisyo mashaariic waaweyn ah u gashay kuwaas oo aan la garanayn meesha ay ku dambeeyeen. Waxa heshiisyada ka mid ah Bangi Shiine ah oo lala galay in uu hal Bilyan oo dollar ku maalgashanayo Somaliland laakiin, loo malaynayo in uu ahaa bangi aan jirin. Waxa kale oo jirta shirkad Ustareeliyan ah oo xukuumadda Somaliland kula heshiisay in ay samaynayso mashruuc weyn oo uumi baxa biyaha badda lagaga dhallinayo milix kaas oo ay xukuumaddu kula heshiisay in ay dhul ilaa 200km oo isku wareega ah ka hirgeliyaan muddo 25 sanno ah laakiin, ay u muuqato in aanay shirkaddaasi ahayn wax jira baadhis lagu sameeyay awgeed.

Tuhunnada ka dhashay heshiisyadan awgeed waxa wasiirka maalgashiga Somaliland la waydiiyay waxa uu mashaariicda hore ee aan hirgelin kaga duwan yahay kan cusub “Walaal kuwii hore waxay ahaan jireen isfaham shirkado lala galay oo warbaahinta gaaray, balse kan waa heshiis, waana la dhagax dhigay,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Cawad.

Masuuliyiinta Somaliland ee arrintan ka hadlay ayaa u muuqda kuwa aan xog badan ka hayn qorshaha mashruucan iyo cidda ay tahay shirkadda loo dhagax dhigay. Waxa ay sidoo kale su’aali ka taaggan tahay suuro galnimada shirkad aan la ogayn mashaariic hore oo ay soo fulisay sida ay u haysan karto lacagta badan ee ku baxaysa mashruucan. Shirkadda hore ugula heshiisay Somaliland soo saarista Milixda ayaa la ogaaday in aanay haysan lacag ay mashruuca ku maalgaliso haddana ay raadinayso dad saami ku yeesha oo mashruuca maalgaliya taas oo u muuqatay in ay kaliya hayaan fikradda raadinayaana cid maalgalisa.

Masar Ma Cadaadis Bay Itoobiya Ku Saaraysaa Xidhiidhka Ay La Samaysatay Somaliland?

Hargeysa(Waaberi) Dhammaadkii bishii Maarij ee la soo dhaafay waxa dalka Masar bookhasho rasmi ah ku tagay wefti uu hoggaaminayay wasiir ku xigeenkii arrimaha didbadda Liibaan Yuusuf Cismaan oo madaxweynuhu markii dambe xilkaasi ka bedelay.

Weftiga Somaliland oo bookhasho rasmi ah ka helay dawladda Masar waxay kulamo la qaateen masuuliyiin sarsare oo ka mid ah wasaaradda arrimaha dibadda, wasaaradda gaashaandhigga iyo saraakiil sarsare oo militari waxaana bookhasho lagu geeyay marin biyoodka muhiimka ah ee gacanka Suways.

Xukuumadda Masaaridu arrintan waxba kama odhan laakiin, warbaahinta Arab21 oo arrintan warbixin ka qortay ayaa tilmaantay in ay u muuqato in Masar Somaliland meeqaamkeeda kor u qaadayso si ay cadaadis ugu saarto Itoobiya oo ay ku muransan yihiin dhaamka biyaha Webiga Niilka.

Amb Baahir Al-Duwayni oo ah xeel dheere xidhiidhka caalamiga ah ayaa warbaahinta Arab21 u sheegay in aanay bookhashada Somaliland ee Masar kaliya ku koobnayn marti qaad ka yimid wasaaradda arrimaha dibadda laakiin, ay tahay arrin ay soo dhiraan dhiriyeen waaxda Sirdoonka ama laamaha ammaanka.

Waxa uu sheegay in arrintan loo arki karo cadaadis Qaahira ku doonayso in ay dawladda Itoobiya kula gaadho heshiis labada dhinac ee Addis Ababa iyo Qaahir ba qanciya. Waxa uu sheegay in kor u qaadista meeqaamka Somaliland ee Masar fursad weyn u yahay masuuliyiinta Somaliland maaddaama Masar xilligan hayso xilka hoggaamiyaha Midawga Afrika taasna ay guuldarro u noqonayso dawladda Itoobiya.

Amb Baahir Al-Duwayni oo tilmaamaya in aanay arrintani siyaasad ka madhayn wuxuu sheegay in socdaalka weftiga Somaliland yimid laba todobaad kadib markii wefti sare oo Imaaraad ahi joogeen dalka Masar.

Cilmi baadhe kale oo ka tirsan Machad Darsa siyaasadda Afrika oo fadhigiisu yahay Masar ayaa Arab21 u sheegay in dawladda Itoobiya la odhan karo way aqoonsan tahay Somaliland marka la eego sida ay ula macaamilayso oo ay ka mid yihiin mashaariicda wada jirka ah ee dekedda Berbera ka mid tahay sidaas awgeedna ay noqonayso Masar in ay meeqaamka Somaliland kor u qaaddo si ay ugula gorgortami karto Itoobiya.

Waxa kale oo uu sheegay in ay Masar doonayso in ay dib u soo celiso saamaynteedii gobolka oo ay lumisay, islamarkaana arrimaha xilligan taaggan ee ay ka mid yihiin isbedellada ka dhacay Itoobiya oo qalalaase gudaha ah horseeday, isbedelka Sudan iyo gaabiska Dhaamka Itoobiya ku yimid ay u sahlayaan in ay culays saarto Itoobiya si ay heshiis labada dhanba maslaxad u ah uga gaadhaan xafiiltankooda.

Please follow and like us: