Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Maxamuud Xaashi Iyo Hoggaamiye Xirsi Oo Fagaare Isku Waydaarsaday Weedho Adag Oo Ku Qotoma Xilliyadii Ay Wasiirrada Madaxtooyada Ahaayeen

Maxamuud Xaashi Iyo Hoggaamiye Xirsi Oo Fagaare Isku Waydaarsaday Weedho Adag Oo Ku Qotoma Xilliyadii Ay Wasiirrada Madaxtooyada Ahaayeen

“Xirsi Ha Sheego Midhaha Qarankani Ka Goostay, Bal Guulaha Ha Sheego Haddaanu Isugu Is Burinayn,” Maxamuud Xaashi

“Kulmiye Wuu Jaahwareersan Yahay Mar Haddii uu Leeyahay Wixii Uu Soo Saaray Waa Madhalays,” Xirsi

Hargeysa(Waaberi) Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wasiirkii Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi haddana ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee KULMIYE ayaa isku muruxsaday fagaare lagaga doodayay wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Labadan siyaasi oo isaga dambeeyay kursiga wasiirka madaxtooyada xukuumaddii Siilaanyo ayay hangoolladu iska sudhmeen markii Maxamuud Xaashi Cabdi sheegay in wada hadalladii socday 2012 ilaa 2015 ahaayeen kuwo madhalays ah waxaana arrintaasi ka jawaabay Xirsi oo ku dooday in kulamadii dhacay intii uu wasiirka madaxtooyada ahaa ahaayeen kuwo midho dhal ah laakiin, markii dambe xukuumaddu sii wadistooda la ambatay.

Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hal celinaya khudbad uu Maxamuud Xaashi ka jeediyay fagaare lagaga doodayay wada hadalka Somaliland iyo Somalia in la sii wado iyo in kale ayaa yidhi “Doodda odhanaysa waxba kama soo bixin (Wada hadallada) ee Maxamuud ka dhawaajiyay ee ah madhalays bay ahaayeen oo waxba kama soo bixin iyo dee faa’iido ayay lahaayeen anigu dee si ay isu qabanayso garan maayo oo haa iyo maya wax u dhexeeya ma aqaano, ama waa in uu ku adkaysto faa’iido ayay lahaayeen oo midho dhal bay ahaayeen waxa madhalayska ahi dee waxbaba ma dhalo faa’iido iyo khasaare toona ma dhalo, marka waxaan isleeyahay taasi waa dood jaban oo dood sax ah maaha,” Sidaas ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi.

Hoggaamiyaha oo sii tixraacaya hadal kale oo uu wada hadallada ka yidhi Maxamuud Xaashi oo nuxurkiisu ahaa in wada hadallada dambe fagaare caalami ah lagu qabto lana dhexdhexaadiyo ayaa tilmaamay in wada hadalladii qabsoomay intii uu madaxtooyada joogay ahaayeen kuwo fagaareyaal caalami ah ku qabsoomay oo la dhexdhexaadinayay “Waxaan ku soo ururinaya waxbaa soo baxay faa’iido leh haba yaraatee oo aan horteedna la keenin dabadeedna la keenin laakiin, xukuumadda joogta iyo xubnihii sii waday (Wada hadalku) haddii ay ku guuldaraystaan in ay gaadhsiiyaan, wixii hore daba galaan_ waxay Soomaalidu tidhaa ‘Farsamayaqaanka farsamada xumi dubihiisu canaanta’ marka haddii aynu inagu iibin kari waynay yaynaan odhan waxba may soo bixin aynu fagaareyaasha tagno oo iibino qaddiyaddeena,” Sidaas ayuu yidhi Mr Xirsi.

Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka jawaabaya doodda Xirsi ka keenay in uu laba hadal oo iska horjeeda sheegay ayaa yidhi “ Waxaan leeyahay hadalkaygu wuu caddaa haddana waan ku celinaya wada hadalladii Somaliland iyo Somalia madhalays bay ku dambeeyeen, Xirsi ha sheego midhaha Qarankani ka goostay, isaga laftiisu bal waakan leh guula la gaadhaye bal guulaha ha sheego haddaanu isugu is burinayn. Anigu waxaan idhi waxaynu ka faa’iidnay waayo aragnimo iyo in aynu laba dal u wada hadalno rabitaankii Dunidana aynu raalli gelino intaas baynu faa’iido ka helnay laakiin, midhihii aynu doonaynay kamaynaan goosan. Waxa kale oo aan saxaya Xirsi hadalkiisa, fagaareyaasha waa la inagu weheliyay ayuu yidhi, arrintaasi sidaa ma ahayn fagaare caalami ah oo la inagu dhexdhexaadiyay ma jirin waa la inoo fududaynayay oo inta shirka la inoo furo ayaa la inaga tagayay, Kii Dubay iyo kii Turkiba sidaas ayay ahaayeen, waxaynu maanta u baahan nahay madal la inala joogo oo la ina dhegaysto oo la isu keen jiidjiido oo la ina kala fujiyo dhexdhexaadin baa la yidhaa uma jeedo in la inoo gar naqo,” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Mar kale waxa Makarafoonka la wareegay Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan waxaan Maxamuud Xaashi la qaatay in Dunidu markhaati ka ahayd wada hadallada laakiin, doorkeedu ahaa fududayn wuxuu se si kulul u diiday in wada hadalladu natiijo la’aan ahaayeen “Haddii Maxamuud (Xaashi) markii aanu dawladda ahayna aamminsana in ay toos u socoto imikana uu leeyahay wixii aanu wadnay waa khalad anigu wixii aan shalay sameeyay ee saxsana markii aan Kulmiye ahaa maanta aniga oo WADDANI ah ayaan aamminsanahay in uu saxsan yahay ma ihi dadka isbedbedela xagga mabaadiida. Mar labaadka aniga iyo Abyan uun baa weheline inta kale KULMIYE ayay ahaayeen oo aamminsanaayeen markaa jaahwareerka Kulmiye in aanu geer haysan ama wasaaradda Khaarajiga ha noqoto ama qorshe ha noqoto ee inaanu Kulmiye maanta geer haysan oo meel uu u socod ba aanu garanayn oo wada hadallada wixii ka soo baxay garanayn oo uu leeyahay wixii uu soo saaray waa madhalays oo meesha loo socdo aanu garanayn oo kaliya waxay inimada tiriyay sheegeen madaxweynuhu(Muuse Biixi) 126 jeer ayuu Farmaajo ka hadlay waar caydu waxba ma tarto in aynu caytanaa waxba tari mayso garnaqsi bay u baahan tahay diyaar garow bay u baahan tahay qorshe la wada samaystay u baahan tahay,” ayuu yidhi Mr Xirsi

Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa mar kale u holladay ka jawaabidda dhalliisha Hoggaamiye Xirsi u jeediyay Kulmiye “Waxaan aamminsanahay xaqiiqaduna ay tahay KULMIYE markii horena ma jaahwareersanayn maantana ma jaahwareersana. Kulmiye maba’diida guud ee wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo dariiqa loo marayo waa ka midaysan nahay madaxweynaha, xukuumaddiisa aniga iyo Prof Samatar. Aragtiyaha hoose wixii aan mabadiida ahayn waa aragtiyo shakhsi ah, Kulmiye dee sida bani’aadamka ayuu u kala aragti duwan yahay shakhsi shakhsi taas iyada waan calaamadinaya. Saaxiibkay Xirsi waxaan leeyahay shalay haddii aanu Kulmiye jaahwareersanayn ma markii aad ka baxday ayuu jaahwareer kuula muuqday oo sawirka kula yeeshay? Taasina aragti sax ah maaha,” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi

 

Sidee Haldoorka Somaliland U Arkaa Sii Wadidda Wada Hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya?

Prof Samatar, Eng Maxamed Xaashi, Hoggaamiye Xirsi, Maxamuud Xaashi,  Prof Abyan Iyo Sucaad Carmiye Oo Dood Xasaasi Ah Ka Yeeshay Mustaqbalka Wada Hadallada

Hargeysa(Waaberi) Prof Axmed Ismaaciil Samatar, Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, Eng Maxamed Xaashi Cilmi, Maxamuud Xaashi Cabdi, Prof Axmed Cabdi Abyan musharrax ku xigeenka UCID iyo Sucaad Carmiye ayaa dood xasaasi ah ka yeeshay wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Siyaasiyiintan iyo aqoon yahannadan haldoorka ah ayaa kulan hay’adda Inspire Group Hargeysa ku qabatay ku iftiimiyay mustaqbalka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo sidii qorshe cad looga yeelan lahaa.

Eng Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu aamminsan yahay in aanay haba yaraatee wax wada hadal ah yeelan Somaliland iyo Soomaaliya “Wada hadalladii hore ee la furay waxbaa la isku yar af gartay aan saxna ahayn laakiin, haddana Soomaaliya way ka baxday marka sidee baynu ku aammini ku dambe oo lala galo? Miyaynaan ilbaxayn ba? Waxa weeye aynu isku noqono oo shaydaanka iska naarno oo gabogabada ogolaano in aynu noqono laba dal oo isbarbar ah oo mid walba gaarkiisa u shaqaysanayo oo haddii aynu wax qabsanayno iyo haddii ay wax qabsanayaan aynaan is faro gelin laakiin, aynu Soomaaliya la fadhiisano oo aan wax is nidhaahno oo aan wax isku ogaano hore ayaynu u soo eednay kolkaa aynu ka ilbaxno aynu ka ilbaxno aynu ka ilbaxno,” Sidaas ayuu yidhi Eng Maxamed Xaashi.

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo tixraacaya mawqifka Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa yidhi “Jawaabta ugu horaysa ee aan su’aashan ka bixinaya waxa weeye Maxamed wuxuu yidhi MAYA wax dambe oo aynu ka wada hadalna ma jiro haddii aan fahmay jawaabtiisa. Anigu waxaan leeyahay lagama maarmaan weeye in la is hor fadhiisto oo lala hadlo, HAA baan leeyahay, waayo haddii aan mag doonayso dee waa in aad hor fadhiisatada dadka aad magta ka doonayso oo aad qancisaa, marka su’aasha jawaabteeda oo gaaban waa Haa waa in la wada hadlaa.”

Prof Samatar oo doodiisa sii xoojinaya ayaa ka hadlay sababta ay tahay in loo wada hadlo waxaanu yidhi “Anigu waxaan isleeyahay laba amuurood baa ugu waaweyn in la wada hadlo; Maxay tahay ta ugu horaysa? Dee Maraboob bay inagu noqdeen (Soomaaliya) marka waa in aad iska furfurto dee. Haddii aad iska furfuraysana waxyaabaha inaga dhexeeya ee fara badan oo wasiirradeenii hore qaarkood taataaban doonaan dee waa in waxyaabaha jawaabahoodii la helo, xisaabaadka inaga dhexeeya waa in lagu heshiiyo oo meel la isla dhigo.

Ta labaad ee wada hadalka Soomaaliya Muftaaxa ugu yahay Maraboobta sida aynu iskaga furfurayno waxa weeye iyagii baa inagu maran oo Adduunyadii inaga hor jooga ee in ay Adduunyadii ina garato. Anaga ka wakiil ah ayay leeyihiin goor walba, waa dadkayagii, waa walaalahayagii waa isla waddankii anaga ka wakiil ah ilaa imikana Adduunyadii waxay leedahay waa runtood oo safaaradihii Hargeysa ma fadhiyaan ee Xamar bay fadhiyaan, marka haddii ay inagu culus tahay in ay Adduunyadii inaga garato oo aynu noqono dad kuraastoodii ku leh Adduunyada meel walba waxa lagama maarmaan ah Maraboobta Soomaaliya in aynu iska furfurno taasina hadal bay u baahan tahay,” Sidaas ayuu yidhi Prof Samatar.

Prof Samatar oo ka hadlaya qaabka Soomaaliya loola hadlayo waxa uu sheegay in ay tahay in Somaliland dejiso qorshe cilmiyaysan oo wada hadal kaas oo ku salaysan taariikh iyo dood aanay jabin Karin Soomaaliya “Anigu waxaan odhan lahaa sidan qisadeenu ha u eekaato haddii dib loo qorayo oo dib loo habaynayo: Koow bal in aynu marka hore macnayno Somaliland waxay ahaan jirtay intii aanu gumaysigu iman 1880s ka hor wixii aynu ahaan jiray oo iyada oo cilmiyaysan la dhigo oo aan sheeko xariiro ahayn oo xattaa haddii ay suuro gal tahay la soo bandhigo waxyaabo aynu Soomaalida kale kaga duwanayn,” Sidaas ayuu yidhi Prof Samatar oo intaasi raaciyay in arrinta labaad laga dhigo wixii ay Somaliland isla soo mareen Ingiriiska 1884 ilaa 1960 oo ay xorriyadda ka qaadatay, mar saddexaadkana la darso waxyaabihii la isla soo maray 1960 ilaa 1991 intii dawladdii lagu midoobay ee Soomaliya jirtay iyo ugu dambeyn in la xuso marka afraad 1991 “ Marka ugu dambeysana yaa qaadaya farriinta Somaliland? Halkee la gaynaya? Waa in aan arrimaha ka hadalna. Aniga waxay ila tahay in aynu la soo baxno dadka ugu xariifsan Somaliland rag iyo dumarba waa haddii ay inaga dhab tahay doodda Soomaaliya ee Adduunyaduna dhegaysanayso,” Sidaas ayuu yidhi Prof Samatar oo intaasi raaciyay haddii qorshahaasi socon waayo ay Somaliland yeelato qorshaheeda labaad.

Sucaad Carmiye oo qayb ka ahayd doodda ayaa taageertay in Somaliland wada hadal la gasho Soomaaliya “Marka laga hadlayo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Soomaaliya in lala hadlo waan aamminsanahay laakiin, wax kasta oo aynu ku helayno Citiraaf haddii aynu ku xidhno Soomaaliya meelna ma gaadhayno ayaan aamminsanahay,” Sidaas ayay tidhi Sucaad oo sidoo kale aamminsan in qorshe cad lala hor tago Soomaaliya. Waxa ay si weyn u dhalliilay kulamadii hore u dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya oo ahaa bilaa qorshe aan waxba ka soo bixin.

Xirsi Cali Xaaji Xasan hoggaamiyaha xisbiga WADDANI ayaa isna xoojiyay doodda ah in la sii wado wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya “In la wada hadlaa waxaan u arka in ay muhiim tahay, in ay Somaliland muhiim u tahay oo Soomaaliya muhiim u tahay, gobolkan aynu joogno guud ahaanba ay muhiim u tahay. Muhiimadda ay leedahay waa shayga suurta gelinaya in ay Dunidu inagu soo noqnoqoto waana dariiqa Dunida ilbaxa ahi wax ku kala hesho wada hadalladu, waa shayga muujinaya in Dunidu inagu soo noqnoqoto iyada oo aan dan kale inaga lahayn oo leh wada hadla horteedna ay ina waydiin jirtay maxaa ula hadli waydeen intii aynaan wada hadallada furin,” Sidaas ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi oo intaasi raaciyay in ay tahay in Somaliland garteeda sheegato maaddaama ay gar leedahay.

Maxamuud Xaashi Cabdi wasiirkii hore ee madaxtooyada ayaa Soomaaliya ku eedeeyay in ay burburisay dhammaan waxyaabihii lagu heshiiyay 7 kulan oo la yeeshay taas oo meesha ka saartay niyad wanaaggii lagu bilaabay wada hadallada haddana aanay Soomaaliya muhiimad u arag in la wada hadlo “Anigu ma qabo in la joojiyo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, ma qabo in wada hadallada lagu galo qaabkii hore ee loo waday, waxaan qaba in mawqifka madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu ka qaatay wada hadalladu sax yahay kaas oo ah Soomaaliya in aynu ku wada hadalno fagaare caalami ah oo la inagu dhexdhexaadiyo, muumin laba god lagama wada qaniino, wada hadal labadeenu kali isku nahay oo kuwii ay shalayba buriyeen ee waxba ka soo bixi waayeen oo kale ah maantana macno samayn mayso,” Sidaas ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Prof Axmed Cabdi Muuse Abyan musharax ku xigeenka xisbiga UCID oo ugu dambeyn hadal ka jeediyay madasha ayaa taageeray doodda ah in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlada sii wadaan lagana dhigo kuwa dhab ah oo qorsheyaal cadcad leh. Waxa kale oo uu taageeray qaabka Prof Samatar sheegay in ay tahay in loo dejiyo jidka ka horeeya wada hadalka iyo doodda lala tagayo..

Prof Samater Oo Ka Hadlay Muddo Kordhin Loo Sameeyo Madaxweyne Biixi Iyo Heshiis Uu La Galay Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa(Waaberi) Prof Axmed Ismaaciil Samater ayaa ka hadlay mudo kordhan la qorshaynayo in loo sameeyo Madaxweyne Biixi marka uu dhammaysto mudo xileedkiisa, waxaanu sheegay in la qorshanayo in laba sano oo dheeraad ah loo kordhiyo Madaxweyne Biixi, taasi oo uu sheegay inay wadaan dad uu ku tilmaamay kuwa habsaamay oo saaqiday oo aan Dowlad-nimad aqoon.

Prof Samater ayaa waxa kale oo uu ka hadlay heshiis midho dhalay oo ay wadagalaan Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo, waxaanu sidaasi ka sheegay khudbado kala duwan oo uu ka jeediyey Hargeysa iyo Gabiley.

Isagoo ugu horeyn ka hadlay muddo kordhinta Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa loo sii qorshaynayo  “Ama Dowlada ha noqoto ama kuwa fadhiya ha noqoto ama ku codka bixiyey ha noqoto ,Umada Habsaantay oon bislaan ayuun-baa ku cel-celisa in la sii ballaadhiyo xukunka oo la yidhaah-do laba sanadood ha loogu darro Xukunka, iminka waxaan maqlayey qaar igu lahaa dee Muuse kolay laba sanadood waa loogu darri doonaaye, dad habsaamay oo saaqiday oo aan Dowlad dhis aqoon ayuun-baa waxaas sameeya .”Ayuu yidhi Prof Samater

Dhanka kalene Prof Axmed Ismaaciil Samater ayaa ka hadlay heshiis uu la galay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo, kaasi oo ay wada geleen ka hor inta aanu Prof Samater Somaliland iman “Markaan wadanka Imanayey Madaxweynihii hore ee Axmed Maxamed Maxamuud  iyo Dowladiisii ay yidhaah-deen aynu is aragno oo aynu sheekaysano uu Maraykan wefti usoo direen oo aanu ku sheekaysanay, dabadeedna ay yidhaah-deen waa in aad wadankii timaadaa oo dadka aad la sheekaysataa lagayaaba inay wax badeladaan, waxaan ku idhi waan ogolahay lakiin saddex shuruudood waa in aan iminka ku heshiinaa .”

1.) Meesha aan doono wadanka in aan tegi doono

2) Cida aan doono in aan la kulmi doono oo aan la sheegaysan doono ama ha- noqdaan kun qof ama ha- noqoto qof oo aan la i odhan Karin , hablaayona lama hadli kartid hebelna lama hadli kartid .3) Meesha aan doono in aan ka hadli karro oo mawduuca aan doono aan ka hadli karro

Waxaanu intaasi ku daray Prof Samater “ Lakiin xorriyadaasi aanan ogolaanay in la taabto, intaa haddii aynu ku heshiino waxa kale wey dhantahay, intaa haddii aynaan ku heshiina waad mahadsantihiine casuumadiinu ha idiin laabnaato .”

Ugu Dambeyn Prof Samater ayaa sheegay in heshiiskaasi ay is afgarad ka gaadheen Madaxweyne Siilaanyo iyo isagu wakhtigaas ,isla markaana uu sidaasi ku yimi dalkiisa Somaliland “Madaxweynaha iyo intii la socotey waraaqihii ayaanu is weydaarsanay waanu isla garanay , waxay yidhaah-deen waad wanaagsantahay .”Ayuu yidhi

Muxuu Cali Guray Ka Yidhi Shakhsiyaaad Mucaaradi Jiray Siilaanyo Oo Madaxweyne Biixi Ka Aamusay?

Hargeysa(Waaberi) Siyaasiyiin badan oo miisaan ku lahaa saaxada siyaasadda Somaliland oo iskugu jira  Mujaahidiin, Siyaasiyiin iyo Madaxweyne ku xigeenadii hore ee soo maray Somaliland,ayaa gebi ahaan-ba hadda si toos ah uga muquurta ka haddalka xaaladaha dalka ka jiray, kuwaas oo cahdigii Xukuumaddii Axmed Siilaanyo ka hadli jiray xaaladaha ka alloosnaa dalka, isla markaana dhaliilo kala duwan dusha u saari jiray Xukuumaddaasi,iyagoo hadda ka muquurtay saaxada siyaasadda Somaliland tan iyo wakhtigii uu  talada dalka qabtay Madaxweyne Biixi, waxaana la sheegayaa inuu jiro is fahan hoose uu dhex-maray Madaxweyne Biixi iyo xubnahaasi

Siyaasiyiinta ka muquurtay saaxada siyaasadda Somaliland iyo ka haddalka xaaladaha dalka  tan iyo wakhtigii uu hoggaanka dalka qabtay Madaxweyne Biixi, ayaa waxa kamid ah Odayaashii madasha wada tashiga iyo toosinta Somaliland isku bahaystay, kuwaas oo ay kamid ahayeen Mujaahid Xasan Guure,Mujaahid dhega weyne, Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi, Prof Cabdisalan Yaasiin iyo xubno kale, iyadoo ay xusid mudan tahay in Madashu ay wakhtigii Madaxweyne Siilaanyo talada dalka hayey inay ka hadli jireen xaaladaha dalka ka alloosan , isla markaana ay dhaliilo u jeedin jireen, waxaanay xuluufadaasi Madasha ku bahowday ay cahdigaasi ahayeen kuwa shirar saxaafadeed-yo is daba jooga qaban jiray oo ay ku dhaliili jireen Xukuumaddaasi Siilaanyo, haseyeeshee tan iyo wakhtigii uu Madaxweyne Biixi xilka qabtay ayey noqdeen kuwa ka gaabsatay ka haddalka xaaladaha dalka oo ay gebi ahaan-ba ka muquurteen

Xoggo kala duwan oo laga hellayo illo wareed-yo kale gedisan ayaa sheegaya in odayaasha Madasha iyo Madaxweyne Biixi uu jiro is fahan hoose oo u dhaxeeya, kaasi oo ah in aanay Xukuumaddiisa ka hor iman isla markaana aanay dhaliil iyo toosan mid-na war-baahinta u marini, balse  ay wixii talo iyo toosin ah si hoos isaga ula wadaagaan, isla markaana uu albaabkiisu u furan yahay xili kasta

Dhanka kale kalene Siyaasi Cali Guray oo kamid ah isaga laftiisu siyaasiyiintii dhaliili jiray Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo , haseyeeshaa hadda afka ka xidhay Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa isagu arrintaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay Bogga Facbuuga uu ku leeyahay kaasi oo u dhignaa sidan “Maxmed Xaashi mee? Xasan Guure mee? Boobe mee? Ibraahin Dhegawayne me? Caligurey mee?Raggan badankoodu CIRKIYO DHULKA MEEL DHEXDOODA AHOON DHANABA JIRIN BAY DHACDHACAYAANE ISKA DAAYA. Maxamed Xaashi isagu waa Muuse saaxiibkii muddo ayay kala baadeen malahase hadda dib ayaabay isu heleen. Mooyi ma hubo.”Ayuu ku yidhi Cali Gurey qoraalkiisa

Geesta kalene Madaxweyne ku-xigeenadii hore ee soo maray Somaliland ayaa iyana u muuqda wakhtigan kuwa ka muquurtay ka hadalka xaaladaha dalka iyagoo tan iyo markii uu Madaxweyne Biixi talada dalka qabtay ay yihiin kuwa aan ka haddal xaaladaha dalka, halka ay cahdigii Madaxweyne Siilaanyo isku  bahaysan jireen ka haddalka xaaladaha dalka ka jira oo ay keli keli iyo wadar jirba uga hadli jireen xaalada dalku uu marayo , balse bulshada reer Somalilana ayaa ah hadda kuwa su’aalo badan iska weydiinaya waxaay uga aamuseen inay ka hadlaan xaaladaha kala jeedka ah ee dalka ka taagan.

Siyaasi Cali Canter Oo Qaaday Jidkii Uu Ku Canaanan Jiray Siyaasi Duur Iyo Waabeeye & Soo Dhaweynta Madaxweyne Biixi Oo Uu Saf U Galay .

Hargeysa(Waaberi) Guddoomiyaha gudida anshax marinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Siyaasi Cali Axmed Canter oo hore siyaasiyiin Xisbigaasi ka tirsan ugu eedayn jiray ka qayb-galka munaasabadaha ay madaxtooyaddu agaasinto ayaa isagu doraad saf u galay soo dhaweyntii Madaxweyne Biixi loogu sameeyey madaarkar Hargeysa ka dib markii uu kasoo laabtay Madaxweynuhu socdaalkii uu ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta,waxaanu hadda u muuqdaa siyaasi Cali Canter mid cagta saaray jidkii uu hore ugu canaan jiray saxiibadiisa Xisbiga WADDANI qaarkood , kaasi oo ugu hanjabi jiray in Xisbiga laga saari doono oo lagu samayn doono anshax marin, waxaana la is weydiinayaa waxa iska badelay mawqifkliisii hore

Siyaasi Cali Canter ayaa si kadis ah uga soo dhex muuqday masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo madaarka Hargeysa safaf u galay salaanta Madaxweyne Biixi iyo soo dhaweyntiisa.

Dhanka kalene Siyaasi Cali Axmed Canter ayaa bishii Maraj ee aynu kasoo gudubnay siyaasi Duur ku eedeeyey in aanu xisbigooda haba yaraatee ku matalin ka qayb galka munaasibad lagu qabtay magaalada Hargeysa oo lagu dhagax dhigayey dhismaha jidka isku xidha Wajaale iyo Berbera,waxaanu Cali canter sheegay inuu Xisbigooda dhawaan war qoraal ah ka soo saari doono inaanu Siyaasigaasi ka mid ahayn Xisbiga Waddani, isagoo ku haystay munaasabadaa uu ka qayb-galay ee ay Xukuumaddu agaasintay

Isagoo arrimahaasi ka hadlaya Cali Canter ayaa sheegay sidan:“ Xisbiga WADDANI haddii aanu nahayna annaga naguma matelo isaga ayaan danihiisa u tegay oo hawlihiisa u tegay , waana nin siyaasi ah oo madax-banaan cidduu doono wuu u tegi karaa, lakiin kuma mateli karro Xisbiga WADDANI , waayo Xisbiga WADDANI Xukuumadda arrimo badan ayaanu isku haynaa ilaa aanu arrimahaa ka heshiino fadhiyaddii ugu dambeeyey waanu ku kala kacnay ilaa aanu ku heshiino waxaanu ugu tegaynaa ma jirto .”

Waxaanu intaasi ku sii daray “Qoraal rasmi ah ayaanu u soo saari doonaa war-baahinta in aanu ku jirin duur carraale Xisbiga aanu metelina , Duur Caraale isaga ayaa iskii ugu tegay Xisbiga oo jeclaaday mar haddi aanu ka hadhnay doorashadii wuxuu jeclaaday Dowlada joogta inuu la shaqaysto .”

Geesta kalene Siyaasi Cali Canter ayaa sidoo kale munaasabad ay ka qayb-galeen Xildhibaan Waabeeyo iyo siyaasi duur sanadkii ina dhaafay, taasi oo ahayd mid ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi agaasintay ku eedeeyey labadaa siyaasi inay ka baxeen xayndaabka Xisbiga , isla markaana la anshax marin doono,, basle hadda ayaa isagii u muuqdaa Cali Canter mid qaaday dhabihii uu hore ugu canaanan jirey Siyaasiyiintaasi kale.

Please follow and like us: