Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Qafaalashada Gaadhiga Guddoomiye Cirro – Qudhaanjooy ku Quuso

Qafaalashada Gaadhiga Guddoomiye Cirro –  Qudhaanjooy ku Quuso

Habeenimadkii 7dii bishan April 2019 ayaa,  si kedisa ah, shacabka Somaliland baraha bulshada ka ogaadeen in gaadhigii guddoomiyihii hore Golaha Wakiilada dawladdu qaadatay.

Maalintii ku xigtay, afhayeenka xisbiga Waddani, Barkhad, ayaa saxaafadda iyo dadweynaha u soo bandhigay in ay dawladdaadu fasaxday soo qaadista alaabadii saarnayd baabuurka: 14 dirays oo loo keenay ilaalada guddoomiye Cirro.


Dadku waxa maankooda ku soo dhacay, ama isku qanciyeen, kolay hub baa saarnaa e’; aan dawladda ka war sugno.


Waxa yaab noqotay, bisha 9keedii, ayaanu maqalnay dawladdii gaadhigii way soo celisay, laakiin aanay la socon 14 dirays ee loo waday askartaa  ka tirsan ciidanka qaranka; kuwaas oo ilaaliya guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada, mudane Cirro.

Tani waa meel ka dhac weyn oo loo geystay sharafta golaha wakiilada qaranka, xisbiyada qaranka iyo guud ahaan ba shacabka.

Midda keliya ee laga soo dheegan karo dhacdadan naxdinta lihi waa haddii guddoomiyihii Golaha Wakiilada ee qaranka, muddo 12 sanno ah, oo weliba waraaqo fasaxa oo dawldaadu saxeexday haystay, isla markaana ah dhigaaga oo helay kala badh ku dhowaad codka shacabka, hoggaamiyana mucaaridka qaranka; uu ka badbaadi waayey jawrfalka dawladda,  bal ka feker sidee ayuu miskiin adiga iyo anigoo kale ahi, akhristow, uga badbaadi karaa gacanta xukuumadda? Qudhaanjooy ku quuso.

Wa bilahi towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed

London

UK

Please follow and like us: