Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) Oo Ka Waramay Qisada Qoys Noloshoodu Iskaga Gudubtay Yeman Iyo Somaliland

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) oo ka mid ah madax dhaqameedka somaliland ayaa si guud u soo bandhigay sheeko ka waramayso xaalada dalka taagan.

ugaas Cali Mahdi oo qoraalka uu kaga waramay qisada sheekadan taabanaysa nolosha qoys iskaga gudbay Yeman iyo somaliland ayaa ku bilaabay sidan:-

Sida aynu ognahay waxyaalaha noqday nolol maalmoodkooda amba dhaqanka Soomaalida iyadoo sababo gaar ahina weheliyaan waxa ka mid ah dhoofka oo xataa ay u leedahay hal ku dhegyo ku wajahan dhaqdhaqaaqan sida “Ragga dhoofku waw dawr hadduu mawdku daayee” waana arrin soo jireen ahayd intii muddo aha una muuqata wax nolosha la wadaaga qudh iyo Qoys kasta oo Soomaali ah.

Dadkaa haddaba dhoofka ku maqanaa waxa ka mid ahaa Hooyo Idil Qoyskooda oo ahaa Qoys magac iyo sharaf ku dhex lahaa lagana qadarin jiray Mujtamaca Soomaaliyeed dhexdiisa ee ku noolaa Dalka Yemen guud ahaan, gaar ahaana Magaalada Cadan oo xidhiidh Baayac Mushtar la lahayd Dalka Soomaaliland.

Hooyo Idil waxay ahayd Gabadh ka mid ah caruurta Qoyskaa aan kor ku xusay oo ku dhalatay Magaalada Caden ee Dalaka Yaman(Yemen) kuna kacaantay ilaa inatay ka gaadhaysay heerkii gashaantinimo oo ku beegnayd wakhtigii Dalka Somaaliland insaalax wareer iyo soofdaran habowgu u kawsaday ee 60kii.

Hooyo Idil, sida dhaqan iyo caadada inoo ah Gabadhi waa guur iyo gayaane , waxa doonay Dhame oo ah Wiil gayaan dhigeeda ah kana soo wada Qallin jabiyeen Dugsi oo intuu uu wax baranayay isha si dhaqan ku jiro Isha ugu hayay kuna hawaawi jiray in Eeebe Idil calafkiisa guur ka dhigo.

Arrintu waxay soo socotaba waxa uu Dhame soo gaadhay wakhtigii uu in badan sugayay ee guurkiisa. Kadib waxa uu soo kaxaysatay Odayaashii Qabiilkiisa hoose si ay ugu doonaan Gadadhii uu in badan Maskaxda ku hayay. Waxa hadaba kulmay maamuus doonidii Hooyo Idil iyo “Kana saar kana siibtii” ee Hasheenii Maandeeq dihatay Dhiciska.

Hooyo Idil, waxay shardi uga dhigtay inuu Arooskoodu ka dhaco Dalka hooyo.Wiilkii (Dhame) isagoo farxadi ka muuqato kuna hayay Maskaxda inuu Ooridiisa kala tashado marka loo meheriyo inay Dalkii tagaan “Bishooda Shahar Al Casalka” haddana ka baqa qabay inay Guurka naftiisa ku gacan saydho markay ogaato inuu ku jiro hindise ah geediga wadankkii, waxayse u noqotay faraxad labaysa guurka dalabka kaga yimid Ooridiisa ee ah inay Dalkii Hooyo ku aqal gasho. Halkaa waxaad ka garan kartaa boholyoowga,caadifiyadda iyo xiisaha wadan jacaylka labaanaha ka muuqda oo midba midka kale aad moodo inuu uurkiisa ku jiro.

“Wixii aad rabtiyo

Riyadaan beryahan

Ruunay jeclaa

Raxmaan mahadinee

Iyadoo runaa

Raarteena taal”

Hooyo Idil waxa loo mehirayay Dhame isla Habeenkiina waxa loo sameeyay sadex Habeen oo is tus ah.Sheekooyinka cawayskooda waxaan ka maqnayn weedho ay ka mid yihiin “Asuul badanoo amaan badanoow waxaan aabyow ku oon bixi lahaa ………. iyo anoo Ubad dhala”.

Hooyo Idil iyo Xaajigeedii Dhame muddo yar ka dib waxay u soo amba baxeen. Wadanka Soomaalilaand waxayna farxaddii iyo jibadii markaa joogtay kala qayb galeen Eheliyaddodii. Hooyo Idil iyo Dhame, himilooyinkoodii markaa taagnaa ismay lahayn waxbaa Ifka idinka dhiman, waxana iskugu dhacay guurkoodii oo Wiil iyo Gabadh kasta u ah higsi nololoodkooda kowaad iyo xoriyaddii Dalkii ay ka soo jeedeen oo dhamaystirmay. Waxaa xaaji Dhame hadaladiisa ka mid ahaa “Idilkood Haweeynkiyo Hablaha jira aduunyada Ooridii had iyo jeer hiyigaygu raaciyo Hooyadii dhashaydaay ma ogtahy habeenada waxa layga hirayaa Hawadii Hargeysiyo Herer daafaheedii”,

Hooyo Idil waxa muddo yar kadib is bedelay yididiiladii ay ka qabtay inay xornimadu soo kordhiso sinaan, Cadddaala iyo horumar Dalka iyo Dadkuba gaadho oo wax u sooo kordhisa, wuxuuna dareen ka galay go’aankii ay qaateen iyada iyo Xaajigeedu inay Dalka yimaadaan

inuu go’aan wax ku oola ahaa iyo in kale, taas oo aan midna mid ku canaanayn oo uu ahaa arrin wadaraysan mana garanayso meel kale oo loo ciirsado iyadoo isku qancisay in gabadhadu tahay “Cir kaa dheer Dhul kaa dheer” iyo “Yaa Rida Harageedii igaga celiya”.Hasa yeeshee, wax la aamino Dalkaaga ayaa u roon.

Hooyo Idil waxay ku dhashay Dalka Afar Wiil iyo laba Gabdoodh, waxayna in badan u soo rafaadeen iyada iyo Xaajigeedii korintoodii iyo wax barashadoodii, iyagoo is lahaa kuna rajo weynaa inay Beri dhaami doonto iyo kuwan aad dhasheen ayaa idin anfici doona haddii Eebe idmo oo aan marna meesha soo dhigan inay arrintoodu noqon doonto shalay dhaantay.

Xaalada Dhame iyo Hooyo Idil waxa u bilaamatay dhicii Dadad iyo Duunyo ee Wadanka Soomaaliland qabsatay, Labadeedii Hablood ee Hooyo Idil dhashay waxa guursaday “Haybti garan waa” mana oga ilaa manata meel ay jaan iyo cidhib dhigeen oo lala tagay, waxay ku miyanyihiin nolol iyo dhimasho.

Waxa wakhtigu hadba gees dhigaba, waxa la soo gaadhay wakhtigii”Anaa kaa hurddee laguma haysteene” iyo dib u xoraynta Dalka Hooyo 1988 “Heeryada Ragbaa kaaga furi Hub iyo Baaruude”.Halkaa markay marayso ayay talo faro ka haaday kana bilaabmay Dalka Umulo dooxii iyo wixii dhacay jab iyo halaag.

Iyadoo hadaba meel walba Rasaasi ka dhacayso, Maydkuna quban yahay Wadooyinka oo aan Qofna ku xisaabtamayn inuu ka baxayo waxa dhacaya oo Hooyo Idil, Xaajigeedii iyo afarteedii Wiil Guriga iskugu yimaadeen kana tashanaya siday yeeli lahaayeen ayaa waxaa u soo galay Hooyo Idil Nin ay jaar ahaayeen kuna xisaabtamaysay inay u irkan doonto markay dhibaato timaado oo Qori sita.

Si farxad leh ayay Hooyo Idil iyadoo ilko cadayn qosol gariir ka muuqdo ugu soo booday, waxayn ku tidhi; “Alla hooyo Daheeyoow ii gurmo”.Waxase ku noqotay lama filaan inuu Daheeye Xaajigeedii (Dhame)iyo Wiilkeedii curad horteeda Xabad ku dhufto oo ay Geeridii iyo u qaadan waagii u horayay halkaa kala kulanto, waxayna ku noqotay af kala qaad iyo wax dhaqankeena ka caagan.

Hooyo Idil iyo seddexdii Wiil ee u soo hadhay waxay noqotay arrrinkoodu “Naftu orod bay kugu aamintaa” iyo inuu midba halkii hortiisa ahayd u dhaqaaqo, habqan iyo kala lulankii baaqiguna hadda waw koow, Hooyo Idil halkaas ayaa ugu damabysay waxay Hooyo tidhaado,

Hooyo Idil, Muddo laba Sano ah ka dib ayaa wakhti Habeennimo ah waxa Xeryaha Qaxoontiga loogu keenay Hanad oo ah Wiilkeedii ugu yaraa oo Dhaawac il geeraad leh ah,waxa baroorteeda ka mid ahaa”Quruxdiyo xumaantiyo, qandhadiyo xanuunkaba misna qaar kaloo badan dhamaan qaararkaygii waxaan ugu wanqalayaa Wadankaygu qaaliya.

Hooyo Idil iyadoo la dardaarmaysa Hanad dulucduna tahay dardaaran guud waxay tidhi,”

Hanadoow hooyo heedhe

Markii aan hoobeey hobayaada

Hobbo oo hinqadaada

Hamhamtii cuntadaada

Hinqo oo socodkaaga

Hidaa hidaa Afka aad ku hadaaqday

Iyo markii aad hanaqaaday

Wuxuunbaa ila hadlaayayoo

Wadnaahaan farta Hooyo

Heedhe aan ka hagaaginoo

Anigoo hurdah mooyee

Haamad baa i maqnayd.

Hayeeshee hooyo heedhe

Handoow Hooyo heedhe

Dalkii aad u huraysay naftaada

Ana aan uba hoogayee

Aduun wayska halkiisee

Wixii aan Ubad haystay

Aabihiinoo ka horeeyay

Halkaa maanta ka joogo

Habka aan u arkaayo

Hilinkaan ku aqaanay

Anigaa huba taasoo

Markan waynu xorayne

Alla yaanse …Alla yaanse hal yeelin.

Hanadoow hooyo heedhe,

Hoos u dheeho warkaygan

Hadhaagii Cadawgeena

Nacabkii ku hafaayay

Hal dhablaystay Rageena

Hirqadee cabbay Dhiiga

Ana Hawdka i keenay

Hagabkii Guryaheena

Wixii hoosta u yaalay

Isagoon hala dhaafin

Haalufee la caraabay

Hanadoow heedhe Hooyo

Yaan hogaanka u dhiibin

Ninka aan laga haadin

Hufin een la afuufin

Bal inuu hawsha karaayo

Hinjiyoo la dhaqaaqo

Hayin aan Ubad daadin

Habsan oon lagu guurin

Hantiduu Dhulku yeesho

Hoos ahaan ula dhoofa

Mar labaad ina heera

Aayihii hog ku tuura

Nin inuu hagardaamo

Cadaw kuula heshiiya

Hanadoow heedhe Hooyo

Yaan hogaanka u dhiibin.

Nin inoo hangasheeya

Hanjabaad iyo cay

Dadka jeel u horseeda

Wax Halyay ku dhamaaday

Hal bacaad lagu maalay

Heedhe noogu sifeeya

Hanadoow Heedhe Hooyo

Yaan Hogaanka u Dhiibin.

Nin wixii Dalka Hooyo

Hanfigiyo kulaylka

Dhallintii hurushootay

Halasahaa la marteen

Hawl yaraan intuu mooday

Ka hinaasin Steena(SNM)

Humri uu ka maraayo

Wixii soo hadhay Dhaawac

Nin intuu iska hor keeno

Hayb Hayb noo kala saara

Hanadoow heedhe Hooyo

Yaan hogaanka u dhiibin.

Ninkii soo helay Geela

Horwaynkii laynaga qaaday

Hubsadee Xero keenay

Ninka hoos u dhigaaya

Kolba ceeb huwinaaya

Hoggii layga qaniinay

Halaqii lixdankii(60)

Wixii aan hurushownay

Ninka aan ka hirayninee

Hanadoow Heedhe Hooyo

Yaan Hogaanka U Dhiibin.

Umaddoo isku habsaantay

Isna hoos ka ribdhaaya

Hadhaw hees noqon doonta

Hanadoow kici maaya e

Hadeer waa lays cunayaa

Hanadoow heedhe Hooyo

Yaan hogaanka u dhiibin.

Dacawadii hadalkeeda

Hawraartii laga reebay

Horta saw ma ahayn

Walee Reerkaan haleelo

Hawlyaraan uma guuro

Kii habkeeda yaqaanee

Hiil iyo hooba ka hoogayee

Hanadoow Heedhe Hooyo

Yaan Hogaanka U Dhibin.

Ninka Shaadhna kuu huwanaaya

Wixii uu Rag ku heshiiyo

Hawl yaraan iska jiidha

Hamaan taa ku lahaa iyo

Huuno been hayaydiisu

Hanadow Hooyo heedhe

Yaan hogaanka u dhiibin.

Hanadow Hooyo heedhee

Hawraar iyo maanso

Wuxuunbaa la hubshaaye

Waa hagtii u dambaysayoo

Amba waa la hungoobiyoo

Wixii hawd u dhaqaaqa

Dib loosoo heli maayo

Amba Haleeladaa dhali doontoo

Barwaaqaa heego dhacaysa

Hanadoow Heedhe Hooyo

Yaan Hogaan Xun Loo Dooran.

Hanfadese waa ku hodaaye

Idinkoon Hadal ceebiyo

Waxba Reer hebelaynin

Habka aad u marayso.

Awrkaad heeryada saari

Adigoo hubsanaaya

Waxa aanad hurayn

Horaa loo gundhiyaa

Ninaan kuu hinjin doonin

Hanadow Hooyo heedhe

Heerayadaada ha saarin.

Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi)

La Soco Qaybta 2aad Ee Sheekada