Xukumadda Somaliland Oo La Sheegay Inay Shirkad Ajanabi Ah Ku Wareejinayso Keenista Shidaalka

I Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Xukumadda Somaliland ayaa wadda shirkad ajanabi ah oo lagu magacaabo trafigura oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva,ee dalka Switzerland taas oo ay ku wareejinayso keenista shidaalka ee guud ahaan Somaliland, kaas oo ay hore u keeni jireen ganacsato muwaadiniin reer Somaliland ah,

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Maxamuud Xasan Sacad “Saajin” ayaa sheegay todobaadkan in waddanka la keeno shidaal aan u fiicnayn caafimaadka bulshada, kaas oo uu ugu sii gogol-xaadhayay sidii shirkaddan ajanabiga ah loogu wareejin lahaa keenista shidaalka,

Xogaha la helaayo Masuuliyiin ka tirsan xukumadda Somaliland oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaaradda ganacsiga Mudane Saajin ayaa shirkaddan kula heshiiyay in laga siiyo Saami “Share”

Wasiirka ganacsiga Somaliland ayaa ay saaxiib dhow yihiin Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi iyagoo heerkoodii waxbarasho meel ku soo wadda qaatay sidda uu warbaahinta u sheegay wasiirku, halka dhanka kalena ay yihiin Xidid, taas oo u fududaysay gaadhida go,aamo badan.

Talaabadan Xukumaddu ku wareejinayso keenista shidaalka ayaa waxaa hoos socda heshiisyo qarsoon oo shirkaddaasi laga siinayo dad gaar ah oo ay madaxtooyada Somaliland waddato.

Ganacsatada shidaalka keenta Somaliland ayaa markii ay ka war-heleen qorshahan ay xukumaddu waddo si wayn ugu cadhoodhay iyaga oo ka biyo diiday talaabadan mar kale gacanta loogu galinyo keenista shidaalka shirkad shisheeye ah ka dib markii siddeed sanno ka hor la laalay heshiiskii shirkadda Total oo ahayd shirkadd ajaanib ah oo muddo dheer kooto ugu xidhnayn keenista shidaalka dalka

Xukumadda Somaliland oo ay waajib ku tahay dhiirigalinta, Kobcinta ganacsatada waddanka ayaa taas badalkeeda ku qaaday dagaal curyaamin dhaqaale ah.