Boqor Maxamed Boqor Ciise oo Farriin Ku Aaddan Xuska 18 May U Diray Shacabka Somaliland

Hargaysa (Salaanmedia.com)_Boqorka guud ee beesha Arab Boqor Maxamed Boqor Ciise Haybe waxa uu dhambaal Tahniyadda u diray Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meelkasta oo ay Adduunka ka jooggaan.

Boqor Maxamed Boqor Ciise Haybe waxa uu Illaahay uga baryay in Sanad-guuradda 28aad ee 18 May uu Sanad-guuraddeeda danbe innagu gaadh-siiyo bash bash iyo barwaaqo, waxaannu shacabka reer Somaliland u soo jeeddiyay inay Wada-jirka iyo Midnimaddooda ilaashaddaan.

Sidoo kale, Boqor Maxamed Boqor Ciise Haybe waxa uu sheegay in Halgan dheer loo soo galay Dhismaha Somaliland, haddii ay tahay dib u heshiisiin, haddii ay tahay dib u dhis, waxaan qabaa Sanad-guuraddaas 28aad ee maanta loo debaal-degaayo waxay ku fadhidaa tacab iyo caqli badan oo shacabkeeddu gashadday, waxaan leeyahay Xukuumad iyo Shacabba Nabadgelyaddiinna ilaashadda oo idinkoo gacmaha is haysta u dabaal-degga oo shucuurtiinna muujiya, Illaahay sanadka danbenna ha innagu gaadhsiiyo.