DAAWO Qaybta 12aad ee Taxanaha Taariikhda Tataarka iyo Qabsashadii Magaalada DIMISHIQ

Akhristeyaasha ku xidhan Shabakadda Wararka ee Salaanmedia.com iyo bulshada Soomaaliyeed ee kaleba, waxaanu halkan ugu soo gubinaynaa Qaybta 12aad ee Taxanaha Taariikh lama illaawaan oo soo martay Dunida Islaamka taas oo ah Cahdigii Boqortooyadii Tataarka ama Mongols-ka iyo dhibaatadii ay u geysteen Dunida, gaar ahaan Islaamka.

Qisada Taariikhdan oo koobnaan doonta ilaa 18 Qaybood, waxa inoo Daadinaya Sheekh Musatafe Xaaji Ismaacil Haaruun, waxaanu  kaga warramayaa Cahdigii Tataarka iyo Saamayntii ay Adduunka ku yeesheen, gaar ahaan Dunida Islaamka.