HAL-HAYSKA MUUSE BIIXI EE DHINACA XABSIGA:

HAL-HAYSKA MUUSE BIIXI EE DHINACA XABSIGA:

“Qofkastoo hadla Xabsigaan dhigayaa, Reer tolkii ama Hayada uu ka tirsanaa Hal-Asbuuc bay Qayl-qaylinayaan ka dibna Sidaan doono ayaan ka yeeli doonaa marka Odayo Reerkooda ah oo Naga Baryayaa noo yimaadaan”.

Hal-hayska Muuse wuxuu Cadaynayaa Aqoonta uu Shacabka S/land u leeyahay, Maadaama Dhawaaqii Xubnahani dhaafi waayey Hal-asbuuc oo keliya.

Hada ka hor bay ahayd markuu Muuse soo jeediyey in la Xidho Gudoomiye Ciro oo Xiligaas ahaa; Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Musharixii Xilka Madaxweyne; ka dibna uu dabo-dhigay Hal-hayskiisan kore.

Muuse, Wuxuu ilaaway in Xabsiga joogtada ah ee Shacabka iyo Xubnaha Xilalka hayaahi uusan Xal lagu aamusiiyo Tabashada Muwaadiniinta noqon karin; Balse uu sii Xoojiyo Dareenka Mucaaradnimo ee Bulshada; Sidoo kalena soo dedejiyo Gadoodka Shacabka “Taariikhdu iyadaa is Fasirta”.

Gudoomiyihii Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani Mudane Mohamed Sadiiq Dhame, oo leh Xasaanad Xisbinimo & Muwaadaninimo. Xildhibaan Dhakool, oo leh Xasaanad Xildhibaanimo & Mid Muwaadaninimo.
Abdi-malik Coldoon oo leh Xasaanad Saxaafadeed, mid Samafale iyo tiisii Muwaadaninimo-ba waxay si Sharciga Baal-marsan bay ugu jiraan Xabsiga Hargeysa.

Waxaan Cadaynayaa in Ficilada noocan ahi ay 20 Sano oo kale dib u riixayaan Aqoonsi ay S/land ka hesho Bulshada Caalamka ee Indhaha ku Haya Dhaqdhaqaaqa Dimoqraadiyada S/land.

Hadaba; Waxaan Xukuumada Muuse Biixi ugu Baaqaynaa inay Xubnahan Masuuliyiinta ah si Degdeg ah Xoriyadoodii ugu soo Celiso.

Hadii Taas la Waayo, Waa in
. Xubnaha & Hogaanka Xisbiga Waddani Gudo & Debadba
. Xubnaha Baarlamaanka ee Xilkaska ah oo ay Hormuud ka yihiin Gudoomiyaha Golaha & Xubnaha Gobolada Bariga ka soo jeeda
. Hogaanka Suxufiyiinta & Hayadaha Samafalkaba waxaa la gudboon inay iska kaashadaan Mudaharaad Joogto ah oo lagu difaacayo Xuquuqda Muwaadaniinta, si Xubnahani Xoriyadoodii dib ugu Helaan.

Ogaada, Xubnahani Bishii Barakaysnayd ee Dembi-dhaafka & is-cafinta ahayd ayay Xabsi ku jiraan.

Illahow Somaliland Badbaadi !!!!!!!!!!!!.

Mahadsanidin
Afhayeenka Yurub
Xisbiga Waddani
Qasim A Saleebaan