Hawada Wasakhaysani Waxa Ay Sababtaa Cudurro, Dhalmada, Sambabada, Wadnaha Iyo Maskaxda Ah

London (Salaanmedia.com)_ Wargeyska the Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa dhowaan baahiyey natiijada cilmibaadhis caalamiya oo daahfurtay in wasakhowga hawadu uu khatar ku yahay xubin kasta iyo unug kasta oo ka mid ah jidhka aadamaha, laga soo bilaabo madaxa illaa labada cagood, iyo in uu sabab u yahay xanuunno badan oo maanta dunidu u maaro la’ dahay.

Cilmibaadhista uu wargeysku baahiyey waxa ay muujinaysaa in wasakhowga hawadu uu khatar ku yahay dhammaan xubnaha kala duwan, oo ay ka mid yihiin sambabada, wadnaha, xanuunka macaanka, maskaxda oo uu ku keeno in ay hawlgudashadeedu hoos u dhacdo, beerka oo uu ku keeno dhibaatooyin, kansar uu sababo, Kaadi haysta, lafaha oo uu burbur ku keeno, xiiqda, sambabada oo balqa, kansarka sambabada iyo maqaarka oo uu dilo.

Khataraha kale ee hawada wasakhaysan ee aynu neefsannaa ay ku leedahay qofka waxaa ka mid ah, dhiigfuranka maskaxda, fariidnimada iyo heerka garaadka qofka oo hoos u dhaca, noocyo kansarka ka mid ah iyo hurdo yaraan.

Cilmibaadhistu waxa ay sheegtay in hawada wasakhaysani ay dhaawac geysiiso awoodda bacariminta ee ragga iyo dumarka labadaba, taas oo macnaheedu yahay in ay sababi karto ma dhalaysnimo, waxa kale oo ay khatar ku tahay ilmaha uurka ku jira, waxa ay neef qabatow ku keentaa carruurta, waxa aanay khatar u tahay in ay dhiigga u gudubto.

Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa wasakhowga hawada u aqoonsan dhibaato caafimaad oo adduunka ka taagan, waxa aanay ku tilmaamtay in uu yahay dilaa aamusan oo saamayn caafimaad darro oo ballaadhan jidhka oo dhan ku leh.

Warbixinaha ay hay’addu ka samaysay dhibaatooyinka wasakhowga hawada waxa ay ku sheegtay in boqolkiiba 90 dadka adduunku ay neefta u raacdo hawo wasakhaysan, oo inta badan ah hawada ay neefsadaan marka ay joogaan meelaha furan ee suuqyada, warshadaha iyo jidadka u dhow.

Warbixintu waxa ay sheegtay in 8.8 Milyan oo ah xaalado dhimasho oo timaadda waqti da’ ahaan uu qofku weli yar yahay ay sababaha keena ee ugu badan ka mid tahay wasakhowga hawada, taas oo xitaa ka khatarsan sigaar nuugista.