Itoobiya Oo Dal Madax Banaan U Diwaan-Galinsay Jamhuuriyadda Somaliland

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Dawladda Itoobiya ayaa mar kale soo jiitadatay indhaha Soomaalida ka dib markii Somaliland u diiwaan galisay dal ahaan.

Barta rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa dal ahaan u diiwaan galisay Jamhuuriyadda Madaxa Banaan ee Somaliland.

Arrintan ayaa imaanaysa maalmo uun ka dib markii dawladda Itoobiya ay daabacday khariidad muujinaysa Itoobiya iyo Soomaaliya ay hal dal yihiin.

Wasaaradda oo taxaysa dalalka ay xarumaha dublamaasiyadeed ku leedahay ayaa dal ahaan u diiwaan galisay, Somaliland iyo waliba Maamulka Puntland.

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse aqoonsi caalami ah wali ma helin.

Todobaadkan horraantiisii ayay ahayd markii ay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya raaligalinta ka bixisay khariidadda ay daabacday.

“Run ahaantii waxaan aad uga xunnahay jahwareerka iyo faham la’aanta ka dhashay dhacdadaas” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda.

Khariidaddaas hore ayaa meesha ka saaraysay Soomaaliya, balse waxaa la soo reebay Jamhuuriyadda Somaliland oo iyadu dunida ku kasbaday nidaamka xisbiyadda badan iyo nabadda iyo waliba sida ay iskugu xidhan yihiin dawlada Itoobiya.