Itoobiya : ” Somaliland Uma Aqoonsanin Dal Madax Banaan ” + [ Muuqaal ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Itoobiya ayaa ka hadashay qoraal lagu arkay bogga intarnet-ka ee wasaaraddeeda arrimaha dibedda, kaas oo Somaliland iyo Puntland lagu daray liiska dalalka ay matalaad diblumaasiyadeed ku leeyihiin.
Itoobiya waxay sheegtay inay aqoonsan tahay madaxbanaanida Soomaaliya.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Nebiyat Getachew, ayaa BBC u sheegay in “Puntland iyo Somaliland ay u aqoosan yihiin in ay hoostagaan dowladda federaalka ee Soomaaliya”

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtube.com/watch?v=rJGTcV1ZBhQ