Madaxda Somaliland: Sharafi Ha Joogtee Shillinka i Tus

Madaxda Somaliland: Sharafi Ha Joogtee Shillinka i Tus

Bishii March 2019 ee sannadkan ayaa lagu baahiyey websiteka/blogga “Somaliland Chronicle” in heshiiskii Wasaaradda Maalgashiga ee SL iyo shirkadda Salternas uu ahaa bug aanay waxba ka jirin. Warkaas oo ay warbaahintu aad u soo xigatay.

Waxay ahayd bishii Oktoobar 2018, markii dawaldda Somaliland samada gaadhsiisay warkii ahaa in shirkad Jarmal ah oo la yidhaa “Salternas GmbH” ay warshad milix badda ka samanaysa ka dhisayso Berbera, taasoo soo xarayn doonta lacag dhan $450m sannadkii. Allow run nooga dhig baa la wada yidhi!!

Hase yeeshee waxay isugu dhuratay in shirkaddaasi tahay qolof madhan (a shell company), oo ah inay tahay shirkad magac-u-yaal ah oo laga sameeyey dalka Australia, magaceedna  la yidhaa Salternas PTY Ltd, weligeedna wax shaqo ah qaban.

Shirkaddan ayaa Berbera laga siiyey dhul dhan 150km2 sida uu qoray blogga Somaliland Chronicles; wuxu intaa ku daray in uu shirkaddaa hor-boodayey Maxamuud Jirdeh Xuseen, oo ka soo jeeda qoys ka caan ah Somaliland, dawladda Xamar-na jagooyin badan ka soo qabtay.

Runta warkaas, in Salternas tahay shirkad magac-yaal ah, markii Wasaaradda Maalgashigu miiska loo saaray ma ay beenin. Aamuskaas, aqbalaad uun ka soo qaad.

Akhristow, malaa iyana maqashay in dhowaan, bishii April 2019, m/weyne ku xigeenka Md Saylici uu dhagax dhigay Berbera warshad safaysa saliidda caydhin (crude oil) oo ay maalgelinteeda ku shurkeen labo shirkadood oo kala ah “Singapore New Silk Somaliland Energy Co Ltd” iyo “China Power”. Labadan shirkadood, mid walba, laga soo waa meel ay shaqo hore ka soo qabteen iyo meel ay ka diiwaan gashan yihiin toona. Shirkadahan qudhooda qolof madhan iga dheh.

Kuwaasi waxay ahaayeen shirkado qolof madhan ah, miyaad maqashay Bangi been abuur ah? Imikaba maqal. Bishii August 2018, Somaliland Chronicles waxay baahisay in Wasaaradda Maalgashiga ee Somaliland la saxeexatay heshiis maalgashi oodhan $1 billion dollar Bangi la yidhaa Maxtor oo Chinese ah,  kaas oo markii badhitaan badan loola kacay laga waayey dunida, meel carror-edeg ku taal, oo uu ka register garaysan yahay. Malaa qoloftii madhnayd baa la qaatay-bee, kani waa bangi aan jirin ba. Subxannallah! Ileyn ceeb looma dhinto!

Haddaba su’alaha la is-weydiin karo waxa ka mid ah: miyaanay dawaldda iyo shaqaalaheedu iskaba hubsan shirkadaha u yimaada, ama aanu jirin habraac lagu qiimeeyo kartidooda fulineed? Mise waa ka aqoon-darro oo garashadaaba ma leh?

Maya, maya, xaasha. intaa midna maaha? Feker ayaa jira ah, dawladnimadu waa moqorofod lagu tuugsado ama lagu helo mashruucyo laga taajiro oo quruskaaga aad ku goosato. Mabda’ noocaas ah ayaa ah xiddigga ay ku guuraan.

Somaliland waxay taas la qabtaa Somali inteeda kale, laakiin waxa u dheer iyada warbaahintan lala soo horfadhiisanayo mashruucyo been abuur ah, shirkado qolof madhan ah iyo bangiyo aan jirin. Xishood dhimay!

Sharaftii madaxnimo meeday? Adigaaba taa sheegaya. Madaxda dawladda Somaliland shucaarkoodu waa: “sharafi ha Joogtee Shillinka i tus, oo shillinka i tus”. Allow sahal amuuraha.

Wa bilaho towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed

London, UK

maxamuudaxmed@live.com