Madaxweyne Ku Xigeen Saylici Oo Qaaday Talaabo Uu Amaankiisa Ku Xoojinayo Iyo Dareenka Shacabka.

Hargaysa (salaanmedia.com) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa kaabado waa weyn oo culus dhex dhigay waddada hormarta gurigiisa.

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo ay gurigiisa hormarto wado hawl bawle u ah caasimada isla markaana amaankeedu sugan yahay ayaa hadana waxa ay bulshada caasimadu mar kaliya ku baraarugtay kaabadaha loogu tala galay sugida amaanka oo madaxweyne ku xigeenku dhex dhigay bakhtamaha waddada si ay baabuurtu u dhimaan xawaaraha ay ku marayaan.

Waddadan oo markii hore ahayd mid furan isla markaana aanu madaxweyne ku xigeenku ku jarin kaabadaha uu hada dhigay ayaa haatan noqotay mid su,aalo layska waydiinayo sababta ku dhalisay masuulka labaad ee ugu sareeya qaranka inuu talaabadanku dhaqaaqo maadaama oo aanay jirin wax cabsi dhinaca amaanka ah oo muuqataa