Madaxweyne Ku Xigeenka Dalka Mareykanka Oo Si Shakhsi Ah U Weeraray Ilhaan Cumar Iyo Jawaab Kulul Oo Ay Ka Bixisay Weerarkaasi

Washington (Salaanmedia.com)-Gabadha ka tirsan xildhibaannada aqalka koongareeska Mareykanka ee xisbiga Dimuqraaddiga, Ilhaan Cumar ayaa jawaab kulul u dirtay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence kadib markii uu dhaliilay hadal ay ka tidhi xiisadaha Venezuela.

Ilhaan ayaa barteeda Twitter-ka kusoo qortay falcelinteeda ku aaddan Mr Pence waxayna ku cambaareysay inuu iyada u weeraray si shakhsi ahaan ah.
“Haweenka midabka horay way u maqleen arrintan. intii uu dhihi lahaa ‘fikirkaas waan kasoo horjeednaa’ wuxuu yidhi ‘Ma taqaanno waxa ay ka hadleyso. Waa inay na dareensiiyaan inaan tabaryar nahay. Nidaamka noocan ah wuxuu u maleynayaa in isbaddalka cimilada uu yahay ficil uu Shiinaha sameeyay”, sidaas ayey Twitter-ka kusoo qortay Ilhaan.
Ilhaan Cumar ayaa wajaheysa dhaleeceyn kadib markii cabasho ka muujisay habdhaqanka Mareykanka ee ku aaddan Venezuela.
Galinkii hore ee isla maalintaas, Pence ayaa Ilhaan ku eedeeyay inaysan waxba ka ogeyn “waxa ay ka hadleyso”, ka dib markii ay shaacisay hadallo u muuqday inay mas’uuliyadda xiisadaha Venezuela dusha ka saareyso maamulka Trump, maadaama sida ay sheegtay ay si qallafsan ula dhaqmeen waddankaas ayna cunaqabateyno saareen.
Mr Pence ayaa dhankiisa mas’uuliyadda dhibaatada dalkaas ku eedeeyay madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa horay u sameyn jiray ciwaannada warbaahinta, iyagoo marar badan hawada isu mariyay hadallo kul kulul oo ay isku eedeynayaan.
Ilhaan ayaa sheegtay in dagaalka u dhaxeeya iyada iyo Mr Trump uu horseeday inay nafteeda khatar gasho, waxayna madaxweynaha ku dhaliishay inuu dhiirri galiyay dadka halista ku ah iyada.
Hore ayaa Ilhaan loogu eedeeyay inay jeedisay hadallo ‘Yuhuud naceyb ah’
Bishii Fabraayo Ilhaan Cumar, oo ah gabadh muslimad ah oo Minnesota laga soo doorto waxaa lagu eedeeyey ‘in Hadallo Yuhuud Neceyb ah ay ku dhawaaqday’, iyada oo hadalladeeda ula jeedday iney cadaadis ku saarto siyaasadda Arrimaha Dibadda Mareykanka ee ku aaddanTaageeridda Israa’iil.
Jimcihii waxaa magaalada New York lagu qabtay oo dacwad lagu soo oogay nin isku dayay inuu dilo ama waxyeello u geysto Ilhaan Cumar.
Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka waxay sheegtay ninkaasi oo lagu magacaabo Patrick Carlineo oo 55 jir ah oo ka soo jeeda New York inuu wajihi doono ilaa iyo toban sano oo xarig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan $250,000 oo doolar.
Sida uu sheegay dambi baaraha kiiska gacanta ku haya, Carlineo wuxuu 21-kii bishii maarso la soo hadlay mid ka mid ah xirfadlayaasha la shaqeeya Ilhaan Cumar uuna ku yidhi: ‘Ma waxaad u shaqeeysaa Ikhwaanul Muslimiin? Maxaad Ilhaan ula shaqeeyneysaa, Ilhaan waa argagixiso xabbad ayaan madaxa kaga dhufanayaa.’
Khudbadda madaxweyne Trump uu Sabtidii jeediyey wuxuu ku sheegay inuu xisbiga Dimuqraadiga ku taamayo guusha doorashada 2020-ka, iney Israa’iiliiyintu ka baxaan, iyada oo hadalka Trump loo fasirtay inuu Doorashada xilligaasi dhaceysa uu taageero uga helo Yahuudda, maadaamaa mar labaad uu madaxweynanimo isu soo taagayo.
Madaxweyne Trump wuxuu horay u qaaday tillaabbooyin ay ka mid yihiin in Safaaradda Mareykanka uu Quddus u soo wareejiyey iyo aqoonsashada uu bishii hore u aqoonsaday iney Isra’iil leedahay Buuraha Golan ee ay ku qabsatay dagaalki 1967-kii.
‘Waxaad hesheen waxa aad dooneyseen,’ ayuu yiri Trump xilligi uu furayey Safaaraddiisa Quddus, wuxuuna intaa ku daray ‘si ka duwan Madaxweynayaasha Mareykanka inuu ballanta uu qaaday uu oofiyey.’
Sida ay tilmaameyso warbixin ay soo saartay xaruunta cilmi baarista ee Pew, dhawr iyo tobanki sano oo ugu dambeeyey waxay Yuhuudda door muhiim ah ku lahayd doorashooyinka Mareykanka ka dhacayey.