Madaxweyne Muuse Biixi Oo Warbixin Qaldan Gaadhsiiyey Safiirkii Ingiriiska Ee Uu Dhawaan La Kulmay

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu eedeeyey inuu warbixin khaldan siiyey Safiirka Dalka Ingiriiska u qaabilsan soomaaliya Ben Fender oo dhawaan booqasho shaqo ku yimid somaliland.

Safiirka Ingiriiska ayaa kulan la qaatay madaxweynaha somaliland kaas oo ay kaga wada hadleen arimo la xidhiidha doorashooyinka somaliland iyo sidii loo qaban lahaa wakhtiga ay mar kale u mudaysan yihhiin.

Hadaba gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa shaaciyey warbixin qaldan oo uu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu siiyey safiirka Ingiriiska ee uu la kulmay.

Gudoomiye Cabdiqaadir Jirde ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu warbixin aan sax ahayn safiirka ka gaadhsiiyey cabashadii ay saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka ka qabeen dadweynaha gobolada Sool iyo Awdal.

Gudoomiye Cabdiqaadir Jirde oo ka hadlaya warbixinta qaldan ee uu madaxweyne Muuse Biixi siiyey safiirka Ingiriiska ayaa waxa uu yidhi “Madaxwaynuhu waxa uu safiirka UK usheegay in gobaladii Sool, iyo Awdal iyo beelihii ka cabanayay saami qaybsiga ay hada ogolaadeen in sidii hore lagu galo, waana arin laga been abuurtay goboladaa iyo beelahaa cabanayay” ayuu yidhi gudoomiye Cabdiqaadir Jirde.

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaan si rasmi ah u soo bandhigin qodobada la xidhiidha doorashooyinka ee uu kala hadlay safiirka Ingiriiska ee uu dhawaan la kulmay, waxaana la dhawrayaa dooda ay madaxtooyadu kala hortimaado dhawaaqa gudoomiye Jirde.