Nuxurka Munaasibad Lagu Waynaynayo Xuska 18-ka May Oo Lagu Qabtay Madaxtooyada Somaliland+Sawiro

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Munaasibad ballaadhan oo lagu weynaynayo 28-guurada kasoo wareegtay 18-kii Bishii May sannadkii 1991-kii oo ah markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xornimadeeda dib ula soo noqotay, ayaa caawa lagu qabtay gudaha qasriga madaxtooyada Somaliland.

Munaasibaddan oo ahayd mid si weyn loosoo qabanqaabiyey, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare, hoggaanka axsaabta qaranka, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee dalka soo maray, wufuud xildhibaanno, wasiirro iyo dublomaasiyiin isugu jirta oo kala socda dalalka caalamka, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda maalintaas iyo guulaha ay Somaliland gaadhay muddadii ay qaranka madaxa bannaan ahayd.

Xubno bulshada maamuus ku dhex leh oo madasha ka hadlay, ayaa si isku mid ah ugu dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay iyo halganka ay ugu jirto inay mar uun kamid noqoto waddamada la aqoonsan yahay, waxana ay bulshada ugu baaqeen inay sii wadaan dedaalka horumarka ku dhisan ee ay muddada kusoo jireen.