Prof Abdi Samater Oo Ka Digay Shirqoolo Cusub Kenya La Damacsan Tahay Somaliya + [ Muuqaal ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Dawladda Kenya waxay dhowaan kordhisay cadaadiska dhinaca diblomaasiyadda ee ay saarayso Soomaaliya iyadoo garoonka Jomo Kenyatta Airport kasoo celisay wasiiroo iyo saraakiil Soomaali ah.

https://youtube.com/watch?v=EIhEvY1Kimc

Kenya ayaa sidoo kale dib usoo rogtay in dhammaan duulimaadyada ka imanaya Muqdisho ay soo maraan Wajeer si loo baadho.

Soomaaliya waa ay ka jawaabtay tallaabooyinkaasi waxayna sheegtay inaysan ka turjumayn deris wanaag.

Haddaba waxaa soo baxaya baaqyo loo jeedinayo Soomaaliya oo ah inay qorshe diblomaaisyadeed ka lahaato sida ay ula macaamilayso Kenya oo laga yaabo inay qaaddoo tallaabooyin kale.